UMA BAAHNIN

gabay

19 / 7 / 13

RAMADAAN KARIIM RAMADAAN MUBAARAK

SANNADKA INOO XIGA CAAFIMAAD IYO BARWAAQO

( ILAAHAY ) HA INNAGU GAADHSIIYO

SOOMAALILAAN NABAD IYO KAL GACAL DHEXDOODA AH

HA KU WAARAAN

 

Waa maanso la yidhaaho ( uma baahnin

Maansadu cidgaara la hadli mayso

Wixii aan toosnayn oo dhan ayay la hadlaysaa

 

Aan bilaabo

Bidixdayda iyo midig baa tihiin

Labada baaloode

Bisin kaw qabtoo yaan shacbiga

Baquhu saaraanin

Belooy baydh ayaa lagu nastaa

Bilaha khayraade

.

Uma baahnin baaq roorayoo

Buuqa noo sida,e

Uma baahnin baanisiyo nacayb

Beer xanuun sida,e

Uma baahnin inay baal maraan

qolana baa ceeda

uba baahnin anigaa bursile

baab kastooy tahayba

uma baahnin boob iyo xadniin

soo dhowaan baxa ya

.

Uma baahnin beelbeesha iyo

Baha inaadeere

Uma baahnin wada baarqab kaa

Doobta bixinaaya

Uma baah nin buul lagu qarsado

Waxan birays nayne

Uma baah nin bacad kii mar hore

Roobku baabi,yay

Uma baahnin faqash taan bedelay

Bixiso ii keenta

,

Uma baahnin shacab kaa bogsaday

Qaar bukaan geliya

Uma baahnin beerahan qurxoon

Boodh ka kicintooda

Uma baahnin boos aan la dhigin

Baanta kaan garanin

Uma baahnin hebel hebel ku beeg

Baratan kaa ceebta

Uma baahnin big inuu metelo

Baawar meel cugatay

Uma baahnin naafadan bakhtiday

Buugga kaan gelinin

Beritiyo waxay noqon ninkaan

Sahan ka beeg siinin

Uma baahnin rahanuun biyaha

Bood ku garanaaya

Uma baahnin baahida uweyn

Barasho kaan gaadhin

.

Uma baahnin budh iyo waran lahaan

Cadaw ku beegnaanin

Uma baahnin kii aan bulshada

Nabad ku beeray nin

Uma baahnin boqolaal is neceb

Aan birsolinaynin

Burbur kiyo wixii ina qabsaday

Baaska wada gaadhay

Qaran kaa ( ALLUUN ) bixiyayee

(WEYNE ) badhi taaray

.

Barbaraynu nahay oo majiro

Ruux bilaash yimiye

Uma baahnin madax aan bislayn

Hadal ka buubaysa

Uma baahnin kii bug yaraan

Baajin garanaynin

Umabaahnin baadh baadhihii

Aano hore buuxdo

Uma baahnin kii booli cuna

Maati baylihiya

Uma baahnin been qaawan iyo

Hadal is baal yaaca ..

 

BISHAN KHAYR KA LE  ( ILAAHAY )

DENBIGEENA HA KU DHAAFO

BEER KEENNA BURCAD HAYSU MARIYO

SIDA TOOSAN HAYNA WAA FAJIYO

DALKU WAA INNAGU FILAN YAY  EE

YAAN LA DEGDEGIN GARASHADU YAY LUMIN

IS ILAASHADA IS IXTIRAAMA.

 

WAA .  MAXAMUUD . CISMAAN