Ururka Horn Watch oo Soo Dhaweeyay Iddacada Quraanka ee Hargeysa laga Furay

timthumb

Hargeysa July 23,2013(SM)-Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay si wayn u soo dhawaynayaan IDAACADA QURAANKA KARIIMKA AH ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mud. Ahmed Mohamed Siilaanyo ka hirgaliyay taariikhda markii ugu horaysay caasimada Somaliland.

“Guul uu aadami suurtogaliyo tii ugu waynayd ayuu Madaxwayne Siilaanyo ka hirgaliyay dalka Somaliland taasi oo ah Idaacad FM ah oo 24 saacadood 7 maamlmood ee todobaadkii dadwaynuhu si joogto ah uga dhagaysanayaan Qawlka RABI koree oo nasahnaaye” sidaasi waxa yiri Gudoomiyaha Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch Mr. Suleiman Ismail Bolaleh.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri Mr. Bolaleh “inkastoo hirgalita idaacada Quraanka Kariimka ah ay sida fiinta uga qaylinayeen masuuliyiin magac iyo maamuus ku lahaan jiray bulshada dhexdeeda oo soo maray maamulka wasaarada warfaafinta Somaliland”.
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch waxay u aragtaa suurtogalinta Idaacada Quraanka Kariimka ah mid wax ku ool u ah dib u soo celinta dhaqanka suuban ee Islaamnimada ee guud ahaan mujtamaca, gaar ahaan waxay si aan la qiyaasi karin idaacadani wax uga taraysaa horumarinta barashada xifdiga Quraanka Kariimka ah iyo aqoonta faraha badan ee ku duugan, waxay kobcinaysaa guud ahaan Akhlaaqda wanaagsan, run sheegnimada, amaano xafidka mujtamaceena.

Salaanmedia/Hargaysa