Haweenka Ururka Samafalka Mujaahidiinta SNM oo kulan casho sharaf ah ku qaabiley xaaska Muj: Maxamed Kaahin Axmed Marwo Saafi Axmed Jaamac, Haweenka oo ku midoobay ururka Samafalka Mujaahidiinta SNM ayaa ah haween ragoodu ay yihiin kuwii kasoo qayb qaatay halkankii SNM oo isku bahaystay in ay wax u qabtaan Mujaahidiintii SNM ee ku waxyeeloobay halgankii SNM.
Ugu horeyn waxa ay ku bilaabeen Aayado Quraan ah,waxayna kusoo dhaweeyeen Marwo Saafi Axmed Jaamac magaaladda London,Waxa ayna warbixino kala du-duwan oo ah hawlaha samafalka ee ay wadaan isla soo qadeen iyo sidii losii horu marin lahaa,waxa kale oo ay isla soo qadeen xaaladda Guud ee Somaliland ay ku sugan tahay iyo sidii ay xidhiidh wanaasgsan ula yeelan lahaayeen bulshada reer Somaliland ee dalka gudihiisa degan iyo dibadaba si ururkani uu u taabo galo.Waxa kale oo ay jaaliyadda reer Somaliland meelkasta oo ay jogaan u direen baaq ay kaga codsanayaan in la tageero ururkan Samafalka ah.
Kulankan oo ku saabsanaa casho sharaf lagu maamuusaayey Marwo Saafi Axmed Jaamac waxa uu ku soo gabo-gaboosay jawi aad u wacan oo ay aad u shekeysteen hawlo badan oo ku saabsan Somaliland,Horumarinta Ururka iyo hadalo kaftan iyo is waraysiba ku saabsan.
Ugu danbeyntii waxa Marwada Muj: Maxamed Kaahin la gudoonsiiyey hadyado kala jaad-jaad ah aadna way ugu faraxdan,waxa yana marwo Saafi Axmed Jaamac aad ugu mahad celisay sida wanaagsan ee losoo dhaweeyey iyo maqaamka sare ee lagu maamuusay,Waxa ayn ku amaantay asaaska ururka iyo hawsha aad wadaagsan ee aad wadaan,waana khayr .
Salaanmedia/London