Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu cod dheer ku canbaaraynayaa xukunka sharci darada ah ee Lagu Ridayku riday labada masuul ee wargayska madaxa banana ee HUBAAL.

Maareeyaha iyo Tifaftiraha Hubaal

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu cod dheer ku canbaaraynayaa xukunka sharci darada ah ee ee manta 7/3/13 cabaaro 10:00 subaxnimo garsoore ka tirsan maxkamada gobolka maroodi jeex oo lagu magacabo cismaan ibraahim daahir (fanax) uu ku riday labada masuul ee wargayska madaxa banana ee HUBAAL.

1. Maxamed Axmed Jaamac (aloolay) oo ahaa mareeyaha wargayska waxa lagu xukumay hal sano oo xadhiga iyo hal milyan SLSH.

2. Xasan Xusen C/lahi (keefkeef) oo ahaa tafatiriihii wargayska HUBAAL waxa lagu xukumay laba sano oo xadhiga iyo laba milayan SLSH.

Waxa kale oo wax laga xumaado ah in hore wargayska HUBAAL hore weerar hubaysan loogu soo qaaday 24-April-2013 oo dhawacyo loogu gaystay masuuliyiinta HUBAAL oo gaar ahaan dhawac kazoo gaadhay mareeyaha wargayska Mr. Caloolay iyadoon waxba laga qaban oo ay xukumadu sheeg tay in labadaa nin ee weerar ka gaystay ahayeen in ay labaduba POLICE ahaayeen.

Waxa kale oo jirtay in 12-may-2013 kii ay maxkamadu xukun sharci daro ah oo xayiraada kusoo rogtay wargayska HUBAAL albaabadana loo xidhay xaruntii guud ee wargeyska madaxabanaan ee HUBAAL.

Sidaa darted iyadoo ururka SOLJA oo ka xun go’aamada sharci darada ah ee iskaga daba dhacay wargayska HUBAAL , Waxaanu ka codsanaynaa dhamaan daneeyayaasha madaxa banana ee xoriyatal qawlka gudo iyo dibadba ay si toosa faragalin ugu sameeyaan kiiskan foosha xun ee lagu mijo xaabinay Dimuqraadiyadii iyo Xoriyatal qawlkii Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Xoghaya Guud ee SOLJA

Maxamed-Rashid Muxumed Farax

Поделиться в соц. сетях