Ururka Waddaniga Ah Ee AFGARAD Oo Madaxweynaha Ku Hambalyeeye Magacaabista Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha

(SM:Hargaysa)Guddoomiyaha Ururka Waddaniga ah ee Af-garad ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ku hambalyeeyay Magacaabista Agaasimaha Dhalinayaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Axmed (Maxamed-Xuseen Dhabeeye).

 

Guddoomiye Shiine waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban uu uu maanta soo saaray, kaas oo u dhignaa sidan:-

“Aniga oo ku hadlay afka magaca Ururka Waddaniga ah ee AFGARAD, waxaan Madaxweynaha Jamhuuryadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku hambalyaynayaa magacaabista Agaasimaha cusub ee Wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha uu u magacaabay Maxamed Xuseen Axmed, oo ah Masuul karti u leh waajidbaadka qaran ee Madaxweynuhu u igmadday, kaas oo muddo dheer ku soo dhex-jiray Ciyaaraha Somaliland oo aan filayo inuu wax badan ku soo kordhin-doono Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, isaga oo khibrad iyo waayo-aragnimo u leh Xilkaas qaran ee Madaxweynuhu u igmadday”

ALLE MAHAD LEH .

Axmed Maxamuud Cali (Shiine)

Guddoomiyaya Ururka Wadaniga ah ee AFGARAD