Waa Sidee Xaalada Magaaladda Kismaayo Oo Muddo Afar Cisho Ah Ay Ka Socdeen Dagaalo Culusi………?

(SM:Hargaysa)   Waxaa dagan xaaladda magaalada Kismaayo kadib mudo afar maalmood ah oo ay ka jireen xiisado dagaal, waxaana jawiga magaaladu uu maanta yahay mid xasiloon iyadoona sidoo kale ay dib u soo noqdeen dhaq-dhaqaaqyadii bulshada.

Waxaa maanta dib loo furay goobihii ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo weliba isu socodkii dadka iyo gaadiidka kuwaasoo xidhnaa mudo ka badan afar maalmood oo ay magaalada Kismaayo ka socdeen dagaallo u dhexeeyay maamulka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ciidamo uu hor-kacayay Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale).

Saaka ayaa la arkayay qoysas fara badan oo dib ugu Soo laabanaaya guryahooda oo ay markii hore Iskaga Yaaceen .

Mudadii ay dagaallada ka socdeen magaalada Kismaayo waxaa jiray Khasaare badan oo  isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay dadka rayidka ah iyo dhinacyadii dagaalamay, waxaana inta la ogyahay ku dhimatay ilaa 40 qof halka ay dhaawacyo kasoo gaadheen dad kor u dhaafaya ilaa 80 qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Cisbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Madaxweeyne ku xigeenka maamulka jubbaland Jen. C/laahi Sheekh Ismaacil Fartaag oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo afjareen dagaalladii ka socday Kismaayo, isagoona xusay in maamulkooda uu si buuxda gacanta ugu hayo magaalada.

 

Salaanmedia/Hargaysa/Office.