Wada hadalka Somaliland iyo Somalia: Tab xeeladaysan oo Muqdisho dib loogu noqonayo (qaybtii 2-aad)

Wada hadalka Somaliland iyo Somalia: Tab xeeladaysan oo Muqdisho dib loogu noqonayo (qaybtii 2-aad)

maqaal

Sida ciwaanka agtiisa ku xardhan qoraalkaygani wuxu qaybtiisii 2-aad yahay qoraal hore oo aan mawduucan ka qoray, ciddii rabtaana google gareyn karto amma aniga isoo waydiisan karto.  Ujeedada qaybtan 2-aad waxa ay tahay inaan sii aamba qaado oo aan umadda Somaliland tusaaleeyo sababta aan ugu arko wada hadalka Somaliland iyo Somalia in ay yihiin hab xeeladaysan oo Muqdisho dib loogu noqonayo.

 

Ka dib markii kulankii Dubai ee aan qoraalkaygii hore kusoo sheegay qabsoomay waxa dhacday in wada hadalkii loo wareejiyo Turkey iyadoo lagu sababaynayo in Turkey-gu  taageero dhaqaale oo wax ku ool ah, oo aan la mid aheyn tii reer Galbeedku bixinayeen, siinayo Somaliland.  Waxa aan cidna daah ka saarneyn in Turkey-gu mawqifkiisa marna qarin oo uu mar walba ku celinayay in uu jecelyay inay Somalidu midawdo ee laakiin haddii ay kala tag ku heeshiinayaan in uu ixtiraami doono.  Sidaas waxa uu wada hadalkii ugu gacan gallay Imaaraadka (Emirates) iyo Turkey oo balan qaadyo dhaqaale oo ilaa iminka la arag u sameeyay xukuumadda madaxwayne Siilanyo.

 

Waxa sanadkii 2012-ka dabayaaqadiisii bilawday qaban qaabada shirkii London ee Ingiriisku dib u dhiska Somalia u qabanayay ee dhacay bishii May ee 2013 bilawgeedii.  Shirkaasi oo si wada jir ah u gudoominayeen madaxwaynaha Somalia iyo ra’isal wasaaraha Ingiriiska waxa lagu marti qaaday Somaliland, ka dib markii wasiirkeenii ariimaha dibada ee hore signal bixiyay ku aadan suura galnimada kasoo qayb galka Somaliland mar uu kulan la yeeshay wasiirka Afrika u qaabilsan wasaarada ariimaha dibada ee Ingiriiska Mark Simmonds bishii November ee sanadkii taggay.  

 

Martiqaadkaas oo jawaabtiisii jiidmatay oo waanu kasoo tashanaynaa la yidhi, iyadoo la ogyahay habka shirku u dhacayo iyo ajendihiisaba oo website dhan loo sameeyay, ayaa waxa goor dambe oo shirkii soo dhawyahay xukuumadda Somaliland ku tidhi Ingiriiska iman mayno.  Jawaabtaas Ingiriisku wuu ku qanci waayay oo waxa isku qaban waayay ficilkii diplomasiyadeed ee dawlada Somaliland wada hadalka ku wajahday iyo mar-marsiiyihii ahaa waanu kasoo tashanaynaa oo waxa 15 minutes madaxwaynaha Somaliland lagu qaabilay aqalka Ra’isal Wasaaraha Ingiriiska oo mar labaad lagu marti qaaday in Somaliland kasoo qayb gasho shirka Somalia.  Halkii kulankaasi ka noqon lahaa fursad si qeexan loogu cadeeyo mawqifka ku aadan shirkaas iyo himilada qaranimo ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa hadana jawaabtii noqotay waanu kasoo tashanaynaa.  

 

Waxa ku adkaatay innuu madaxwayne Siilanyo iyo xukuumaddiisu fahamto in umad waliba hoggaankeeda u doorato oo u dhiibato ammaano ah ilaalinta iyo horumarinta qaranka umaddaasi ku abtirsato xuduuda-heedana ku nooshay isla markaana ku matalo meel walba karaamadaas iyo masuuliyadaas.  Qaranka ma ka yara tanaasulnaa? Wax wada tashi laga gallo maaha su’aashaasi, nusqaan wayna waxa ay ku tahay qaranka iyo madaxwanaha laftigiisa oo aan adduunku hoggaamintiisa ku kalsoonaaneyn, cid walibana isku dayi doonto (oo runtii maanta jirta oo civil society-gii, UN-ta iyo cidda funds-ka siisaa, maskaxdoodii la wareegeen) innuu shicibkiisa u waydaarto madaama uuna garanaynba waxa uu umaddiisa ku matalo iyo waxa uu wada tashiga ugaga baahanyay.  Haddii ay reer Somaliland aaminsanyiin inay ixtiraam uu madaxwaynaheenu ixtiraamayay David Cameron ay aheyd, waxa ixtiraam darro ah adigoo mar hore yidhi waanu kasoo tashanaynaa aad hadana tidhahdid waanu kasoo tashanaynaa iyadoo shirkii wakhti gaaban ka hadhay oo waliba maxsuulka wada tashigaaguna noqdo jawaabtii aad hore u bixisay.   Arinka lagaala hadlayaa markuu yahay wax qaranimadaada nusqaaminaya ixtiraamka diplomaasiyadeed waxa uu ku jira adigoo judha ugu horaysa warkaaga cadeeya.  Runtii shicibka ayuunba meel laga maro la waayay ee laakiin shax walba oo shirkaas lagaga qayb gallo xukuumaddu way dajisay.

 

Haddii aan idin xasuusiyo shirkii Somalia ee London lagu qabtay bishii May ee sanadkan waxa ujeedadiisu aheyd in laga caawiyo oo lagu taageero Somalia qorshe 6 qodob ka koobnaa oo ay soo diyaarsadeen oo kala ahaa: Sugida daganaansha iyo ammaanka, Kobcinta dhaqaalaha, Nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta, Maamul wanaaga, Xoojinta xidhiidhka caalamigaa iyo Adkaynta Midnimada Somalia.  

 

Jawaabtii ugu horaysay ee Somaliland ka bixisay kasoo qayb galka shirkii London ee diidmada ahayed waxa ay keentay in la abaabulo shirkii wada hadalka Somaliland iyo Somalia si maxsuulka wada hadalka loogu xidhiidhiyo maxsuulkii shirkii London oo markaas Somaliland “maqane jooga” laga dhiggo.  Sidaa daraadeed waxa Somaliland la hordaadiyay, sidii caadiga inoo ahayd, dhaameelkii oo waxa wafti balaadhan oo madaxwaynuhu hogaaminayo si isdaba jooga ugu baxeen dalka Imaaraadka iyo dalka Turkey-ga.

Waxa la yaab leh waftigaa culus ee 2-daas dal taggay lagama maqal oo dalalka ay tageen kalamay hadlin wax qarinamada Somaliland muujinteeda iyo karaamadeeda faa’ido u ah oo matalan Imaaraadka kalamay hadlin dadka reer Somaliland ee daggan dalkaasi in loo oggolaado inay Passport-ka Somaliland ciqaamad (residence visa) loo saaro amma Turkey-ga kalamay hadlin in ardaydeena joogta ee Passport-ka Somalia ku tagtay loo oggolaado inay Passport-ka Somaliland Turkey-ga ku daganaadaan waxbarashana lagu siiyo reer Somaliland ahaan.  Waxa qudha ee waftigaas ka maqlaynay dhakhtaro ayaa la dhisaya amma deeqo wax barasho ayaa la ina siinayaa amma ceelal ayaa la inoo qodaya.     

 

Si ereyada aan isticmaalayo ugu xaqsooro, qormooyinka soo socda ee mawduucan, kullamada Somaliland iyo Somalia kuma sheegi doono wada hadal ee waxa aan ku sheegi doonaa waxa ay yihiin ee ah: Dib-u-heshiisiin.

 

La soco qaybta 3-aad

 

Iid Xasan Aw Muuse,

Somaliland Activist

London

+44 787 051 5334

iidsl@hotmail.com