Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Wada hadalka Somaliland iyo Somalia: Tab xeeladaysan oo Muqdisho dib loogu noqonayo (qaybtii 4-aad)

Wada hadalka Somaliland iyo Somalia: Tab xeeladaysan oo Muqdisho dib loogu noqonayo (qaybtii 4-aad)

IID 

Qaybta 4-aad ee qoraalkaygan taxanaha ah bal waxa aan ku eegi doonaa jawiga ay dadka reer Somaliland, siyaasi iyo shicib iyo mucaarid iyo muxaafid-ba, ku qaabileen heshiiskii Ankara. Sidoo kale, waxa kaloo aan ku eegi doonaa aragtidii caalamka, ee aan hore idinkusoo sheegay siday u turjumteen wada hadaladan, in heshiiskii Ankara wax ka badilay iyo in uu sii xoojiyay turjumadoodii aheyd in Somaliland qadiyadeedu wax fog aheyn.

 

Sidaan hore idinkusoo tusaaleeyay heshiiskii Ankara iyo kii ka horeeyay ee London (Chevening House) isku mid ayeey ahaayeen oo haddii ay wax ku kala duwanaayeen waxa ay aheyd odhahda (wording).  Waxa kaloo muhiim ah in qodobadii heshiiskii Ankara ay kuwa hoos usii dhigaya qaranimada Somaliland iyo culeyska wada hadalka ahaayeen marka loo eego kuwii Chevening House sidaan kusoo faah-faahiyay qaybtii 3-aad ee qoraalkaygan.

 

Iyadoy sidaas tahay ayaa hadana dadka reer Somaliland, siiba xukuumaddu, ku tilmaamtay heshiiskaas GUUL usoo hoyatay Somaliland oo waxa TV-yada iyo saxaafada kala duwan dood lasoo hor fadhiisanayay dad iyagu rabbay siday xukuumaddu ugu dhigtay uun inay dadku u qaataan qodobadaas.  Waxa aan isleeyahay, waxa sabab u aheyd soo dhaweynta qodobadaas dadku ay soo dhaweeyeen, habkii Turkey-gu u qaabilay waftigii Somaliland ee uu hogaaminayay madaxwayne Siilanyo oo qayb ka aheyd xeeladaha Somalilanders-ka lagu dajinayo iyadoo hadana Turkey-gu qarsaneyn sida uu u arko Somaliland.  Iyana waxa saaxada siyaasada Somaliland ka maqan mucaarid tafsiiri kara oo waynayso ku eegi kara qodobada lagu heshiiyo iyo guud ahaan ficilada diplomasiyadeed ee xukuumaddu ku wajahayso wada xaajoodka lala gallayo Somalia iyo iibgeynta qadiyada Somaliland.  Waxa aad moodaaba in siyaasiyiintii Somaliland muhiimada siinayaan ka qayb noqoshada gudida wada hadalka ee ayna ahmiyad-ba siineyn natiijada wada hadalka oo mucaaridka laftigiisu kala simanyiin xukuumadda wajaha diplomaasiyadeed ee waxan loogu yeedhay wada hadalka Somaliland iyo Somalia.  

 

Dhinaca caalamka waxa xusid mudan war saxaafadeed madaxtooyada Turkey-ga kasoo baxay April 13-keedii ka dib markii la saxeexay heeshiiskii 7-da qodob ahaa iyo kulankii uu madaxwaynaha dalka Turkey-gu ku qaabilay madaxwaynaha Somaliland iyo madaxwaynaha Somalia.  War saxaafadeedkaas oo lagu shaaciyay heshiiskii 7-da qodob ahaa ayaa waxa hordhac u ahaa qoraal kooban oo tilmaamayay in madaxwaynaha Turkey-gu qaabilay madaxwaynaha Somaliland iyo madaxwaynaha Somalia.  Qoraalkaas oo kalmado ay ka mid yihiin Republic of Somaliland amma Jamhuuriyada Somaliland ku qornaayeen oo runtii ahayd markii ugu horeysay ee dal caalamka ka tirsani qoro kalmadahaas ayaa hadana waxa uu sheegayay in 3-da madaxwayne ka hadleen sidii looga gudbi lahaa xiisadda u dhaxaysa wakhtigan xaadirka ah Somaliland iyo Somalia (quote: The three presidents discussed how to overcome the current conflicts between Somaliland and Somalia).  War saxaafadeedku qayb kale wuxu ku sheegaya in kulanka 3-da madaxwayne yahay tallaabadii ugu horaysay ee loo qaaday sidii mushkilada ka dhaxaysa Somaliland iyo Somalia loogu dhameyn lahaa wada hadal iyo wanaag.  Waxa war saxaafadeedkan ka muuqda in Turkey-gu ka dharagsaneyn 2-da dal waxa ay isku haystaan oo uu ku wareersanyay (confused) xoogana uu saarayo uun innuu heshiisiiyo oo ay isku noqdaan. 

 

Isna waxa war saxaafadeedkan ka daba qaatay, oo kolay ka jawaabayay dacwad ay Somalia war saxaafadeedka madaxtooyada Turkey-ga kasoo baxay ka gudbisay, ra’isal wasaaraha Turkey-ga bishii April 16-keedii. Mudane Tayyip Erdogan, isagoo heshiiskii Ankara iyo guud ahaan dib-u-heshiisiinta Somaliland iyo Somalia ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi: “Waxa ii muuqata rajo ku aadan midaynta Somaliland iyo Somalia”.

Sidoo kale, ka hor wada hadalkii Ankara, bishii March 13-keedii, waxa isna ka hadlay qadiyada Somaliland, wasiirka ariimaha dibada ee dalka Turkey-ga, Md Ahmed Davutoglu, wakhtigii uu madaxwayne Siilanyo socdaalka ku taggay dalkaas.  Ka dib kulan uu madaxwaynaha Somaliland la yeeshay ayuu wasiirka ariimaha dibada ee Turkey-gu yidhi: “Taageerada uu Turkey-gu siiyo qaybaha kala duwan ee Somalia oo dhan, lagu daro xitaa Somaliland, si istaraysa ayeey usii socon doonta, Somaliland-na muhiimad gaar ah ayeey Turkey u leedahay sababtuna tahay xidhiidhka taariikhiga ah ee kasoo jeeda wakhtigii Cismaaniyiinta.”  Isagoo hoosta ka xariiqaya u heelanaanta karaamada qaranimo ee Somalia, wasiirka ariimaha dibadu wuxu iftiimiyay in Turkey sii waddi doonto taageerida dib-u-heshiisiinta, daganaanshaha, barwaaqada iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.  

 

Heshiiskii Ankara dabadii, waxa si xawli ah u socday qaban qaabada shirkii Somalia loo qabanayay ee ka dhacayay London.  Maalin ka hor shirkii London, 6-dii May, waxa isna ka hadlay qadiyada Somaliland ku-xigeenka xoghaya guud ee qaramada midoobay Mr Jan Eliasson oo isagoo adduunka ugu baaqaya inay Somalia taageeraan yidhi: “Xoojinta daganaanshaha iyo ammaanka dhulka dawladu maamusho waxa ay usoo jeedin doonaan xagga dawlada gobolada gooni u goosadka ah, wuxuuna rajo la’aan ka muujiyay aqoonsi Somaliland hesho.”  Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Mr Jan Eliasson: “Waxa Africa iyo dunidaba ka jirta xaasaasiyad laga qabo in dalal u kala googo’aan sababo la xidhiidha Isir, diin iyo qabaa’ilo. Maan arag calaamado muujinaya inay isasoo tarayso taageerada aqoonsiga Somaliland”.  Mr Jan Eliasson waxa kaloo uu ka hadlay, bishii May 11-keedii, go’aankii Somaliland ku diiday ka qayb galka shirkii London oo isagoo ku dhararinaya Puntland sheegay in madaxwaynaha Somalia ka codsaday inay raacaan laakiin ay leeyihiin, waa Somaliland iyo Puntland-de, himilooyin ka sareeya maamul goboleedka oo ka sareeya inay ka mid noqdaan nidaam federal ah.”

 

Hadalada caalamka kasoo yeedhaya waxa si joogto ah u barbar socda hadalada dawlada Somalia ee wada hadalkan adduunka iyo reer Somalia-ba si cad ugu qeexaya inay midnimadii Somalia (oo ay u jeedaan markaas Somali Republic) dib usoo celinayaan.  Weedhahaas cul-culus ee adduunka iyo Somalia-ba kasoo yeedhaya dawlada Somaliland iyo xisbiyada qaran-kuba wax jawaab ah oo munaasib ah kamay bixin.  Waxa aan qaybtan 4-aad kusoo gunaanadayaa maah-maah Hollandis (Dutch) ah oo odhanaysa QOFKII AAMUSAA WUU OGGOLAADAY (Wie zwijgt stemt toe).

 

La soco qaybta 5-aad oo aan kaga faaloon doono heshiiskii ugu dambeeyay ee Istanbul ka dhacay July 8-deedii iyo waliba bal in aan isbarbar dhig ku sameeyo dalalka qadiyadeeno kale soo maray ammaba ku jiraa diplomaasiyada iyo siyaasadda ay u wajaheen amma u wajahan ka midho dhalinta himiladooda qaranimmo iyo siday Somaliland u wajahayso.

 

Iid Xasan Aw Muuse,

Somaliland Activist

iidsl@hotmail.com




Leave a Reply