Wadahadaladii U Dhaxeeyey Somaliland Iyo Somaliya Oo Maanta La Isku Afgartay Qodobo Aan U Cuntameyn Bulshada Somaliland.

Wadahadaladii U Dhaxeeyey Somaliland Iyo Somaliya Oo Maanta La Isku Afgartay Qodobo Aan U Cuntameyn Bulshada Somaliland.

flagst

Istanbuul(SM) July08, 2013 – Wajigii labaad ee wadahadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Somaliya oo maanta ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka soo baxay qodobo dhowr ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay masuul kamida weftiga Somaliya uga qaybgalaya wadahadalada ayaa warbaahinta u sheegay qodobada ka soo baxay shirka,waxana ka mid ah:

1. In la isku furo isku socodka siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada labada dhinac.

2. In shirarka danbe ay ka dhacaan dalka gudihiisa ha noqoto Muqdisho ama Hargeysa.

3. In la sameeyo xeer u gaar ah oo ay gudiyada labada dhinac isku maamuulaan shirarka danbe  ee soo socda,si meesha looga saaro hadalo la isku marinayo warbaahinta,ama waxyaabaha caqabad ku noqon kara shirarka danbe.

Weftiga ka socday Somaliland ayaa muujiyay walaac ku aadan habka maamulka hawada Soomaaliya, maadaama ay dowlada Soomaaliya ku guuleeysatay in ay dib ula soo noqotay maamulka hawada Soomaaliya.

Wajiga labaad ee wadahadalka u dhaxeeya wafuuda ka kala socota Somaliland iyo Somaliya ayaa illaa caawa ka sii socon doona magaalada Istabul, waxana la filayaa in la soo gabagabeeyo beri galinka dambe.

 

 

Salaanmedia Desk

Hargeisa.

Â