Wafdigii u horeeyay oo ka socda Qaramada Midoobey ayaa maanta gaadhay Kismaayo (Sawirro)

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo uu hogaaminayo u qeybasamaha deeqaha bani’aadanimo ee Qaramada Midoobey Philip Lazzarani ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Wafdigan ayaa markii ay gaareen magaalada la kulmay Xubnaha maamulka la magac baxay Jubaland iyo saraakiil, iyagoo booqday Isbitaalka guud, halkaasoo ay ku jiraan bukaano ku soo dhaawacmay dagaaladii ka dhacay magaalada.

Booqashada wafdigan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo magaalada ka jiro khilaaf dhanka maamulka, isla markaana dowladda Soomaaliya ay diidan tahay qaab dhismeedka Maamulka Jubaland ee uu madaxda u yahay Axmed Madoobe.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Salaanmedia/Mogdisho