War ded deg ah Amiirka Alshabaab ee Axmed Godane oo Gacanta ku dhigay Fu,aad Shongole iyo Xassan Afrax oo ka hor yimid Fikirkiisa

newsflash1
 

Horjoogaha ururka Alshabaab iskuana magacaaba Amiirka alshabaab Waa Axmed Godane e ayaa waxa uu gacanta ku soo dhigay saraakiil ka soo horjeeday fikirkiisa Qalfasan saraakiishaan ayaa waxa ka mid ah Xassan Afrax oo ka soo jeeda dhalasho ahaan Deeganada Ximan iyo Xeeb.

Waxaa xasuus mudan in Xassan Afrax uu ka mid ahaa Saraakiishii ay isku fikirka ahayeen Xassan daahr awey iyo Abu Mansuur Rooboow.

Waxaa sidoo kale ka mid Saraakiisha laqabtay Fu,aad Shongole oo kamid Ragga ugu sharta badnaa Alshabaab una qaabil sanaa dhinaca wacyi galinta ah in la is qarxiyo waxa uuna Dhalasho ahan ka soojeedaa Deegaanada Puntland.

dhamaan ragaan ayaa lasheegay in uu gacanta ku dhigay Axmed Godane oo Fikirkiisa ay ka hor imadeen Marka laga reebo Abu mansuur Rooboow oo laqabin wali  oo isaguna sheegay in uu ladagaalmi doono Axmed godane .

Waxaa tuhun badan dhaliyey sababta keentay in Axmed Godane ay ka hor imadaan sarakiishaan dhamaantood ka soo jeedaan foonfurta Somalia taas oo dadku ay ku micneeyeen in Axmed Godane laga dareemay fikir asaga gaar u ah oo ay ugu weyntahay naceyb uu u qabo dadka daga koonfurta Somalia.

Dhawr mar oo hore ayaa lasheegay in Axmed Godane uu Xiriir fiican la leeyahay Gobolada waqooyiga Somalia Wararku waxa ay sheegayaan in Axmed Godane Xaaskiisa oo degan Hargeisa in Sanad Walba ay uur u qaado Axmed Godane Taas oo cadeyn u ah in ay iska war qabaan Mamulka Somaliland iyo Axmed Godane.

Salaanmedia/Mogdisho