War deg-dega… Degaanka Dhahar oo laga cabsi qabo in uu dagaal ka qarxo

June.07.13 Ceerigaabo Salaanmedia(SM) Maayarka Degmada badhan Feysal-dheere oo isagoo kusugan magaalada badhan  ayaa ka dayriyey xaaladda nabadgelyo ee degaannada Sanaag-bari, isagoo sidoo kalena sheegay inay jiraan ciidammo ka kala socda maammulka puntland iyo Xukuumadda Somaliland oo degaannadaas kusoo qul-qulaya, iyo bulshada degaannadaas ku dhaqan oo cabsi weyn ka qaba subaxnimada barritaba dagaall ka bilawda degaannada badhan iyo meelo kaleba. Isagoo arrimahaas ka hadlayana wuxu yidhi.

Caawa Doorasho laga hadli maayee Dagaal ayaa laga hadlayaa Carruurihii baannuna la baqaynaa aroortana in dagaal bilaabanayo ayaa xaaladdu u egtaya”. Wuxuna intaas kusii daray “Halkan (Badhan) Waxa jooga ciidankii hore ee Gurey, koofiyad-cas, ururkii Carmale iyo Qayb ciidankii Madoobe ah, iyo Tusbaxle oo Laasqoray ah”.

Ciidanka Somaliland

isagoo hadaklkiisa sii watana wuxu yidhi “Dhinaca Puntland-na C/laahi Cumar ooh ore 8 gaadhi u haystey saddex ilaa afarna kusoo korodhsaday ayaa jooga, Carmona caawa waxa kazoo degey ciidan ay wataan Gorayacawl iyo C/Jamaal iyo nin wasiir ah ina C/laahi Bootaan tiradooda oo sax ah ma hayno laakiin waxbaa la buun-buuniyaa oo ilaa afartaneeyaa lagu sheegayaa”.

 

Ugu danbayntiina wuxu intaas kusioi daray “Xagga Xadeedka ciidammo Somaliland ayaa maray oo kolley Gurmale gaadhey tiradoodase aannaan garanayn horena waxa u joogey Wasiirkii Cali-buureed iyo maxamed Diiriye iyo Ciidankii Xingalool. Horena 8 puntland leedahay ayaa aaggaas joogey ilka-jiir iyo ciidan uu wataana oo gawaadhi badan wata waa kusoo socdaan markaa labada dhinacba arrinta saadaashu ma fiicna”.

Salaanmedia/Hargaysa