War Deg Dega: Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

July 9, 2013 Muqdisho(SM) – Waxaa goor dhawayd qarax xoogani uu ka dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee ku yaal magaalada Muqdisho, wararka soo baxaya ayaa sheegaya in gaadhi nooca rakaabka qaada uu halkaasi ku qarxay.

Ciidamada Booliiska oo halkaasi soo gaadhay ayaa rasaas xoogan riday, illaa iyo hada lama yaqaan khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo waliba cida lala bar tilmaamsaday. Qaraxan ayaa ka dhacay nawaaxiga suuqa Daawada.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in gaadhigan goortii uu qarxayey ay saarnaayeen dad dhowr ah walow aan la aqoon in gaadhigan qarxay miino loo dhigay ama uu gaadhiga saarnaa bambaano.

Wixii war ah oo arrintan kusoo kordha gadaal baan idiinka soo gudbin doonaa haduu eebo idmo.

Salaanmedia/ Muqdisho