Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaal Culus Ciidamda Dawlada Somaliya Iyo Xarakada Al-Shabaab Ku Dhex Maray Baydhabo

(SM:Hargaysa)  Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay in ka badan 11-qof oo kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaadhay dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhex-maray xalay deegaanka Ow-dinle oo ka tirsan gobolka Bay.

Dagaalkan ayaa wuxuu qarxay markii xoogagga Al-shabaab ay weerar lama filaan ah ku qaadeen saldhigga degmadaas, inkastoo markii uu dagaalku muddo socday ay xoogaggii Al-shababa dib ugu laabteen halkii ay markii  hore kasoo duuleen.

Guddoomiyaha degmada Ow-diinle, Maxamed Sheekh C/llaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerar ay Al-shabaab kusoo qaaday, ayna iyagu ku sugan yihiin goobihii dagaalku ka dhacay.

 

“Xalay abbaare 10:30 habeenimo ayay kooxihii nabad-diidka ahaa weerar ku soo qaadeen deegaanka, waxayna beegsadeen saldhigga, balse waa la iska caabiyay,”ayuu yidhi gudoomiyaha Ow-diinle

Al-shabaab oo iyaduna ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay inay askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen dagaalka, sidoo kalena ay ku dhaawaceen tiro kale.

“Dagaalka wuxuu ahaa mid qorsheysan, waxaana ka gaarnay ujeeddadii aan ka lahayn, ciidamadeenuna waxay dib ugu soo laabteen goobihii ay markii hore ka duuleen,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Al-shabaab

 

Salaanmedia/Hargaysa.