Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalo Culus Oo Ciidamada Dawlada Somaliya Iyo Xarakada Al-Shabaab Ku Dhex-Maray Bakool

 

image

(SM-Hargaysa)Ugu yaraan afar ka mid ah dhinacyadii uu u dhexeeyay dagaalka ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa ka soo gaadhay dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhex-maray deegaanno ka tirsan gobolka Bakool . Dagaalkan ayaa qarxay markii ciidamada dowladda Soomaalia ay weerar ku qaadeen deegaan ay ku suganayeen xoogag ka tisran Al-shabaab, waxaana uu dagaalkan socday muddo saacado ah. “Ciidamada dowladda waxay weerar ku qaadeen kooxo ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Jano-weyn oo 45-km u jira degmada Ceel-barde, waxaana halkaas kaga dilnay saddex qof oo mid ka mid ah uu dhaawac uga dhintay,” ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Mayow (Tall) oo warbaahinta la hadlay. Guddoomiyuhu wuxuu hadalkiisa raaciyay in qorshahoodu uu ahaa inay ka kiciyaan Al-shabaab deegaan biyo leh ayna u saaraan goobo oomanayaal ah ay ku guuleysteen, wuxuuna xusay in ciidammo uu hoggaaminayo Sheekh Mukhtaar Rooboow oo uu khilaaf kala dhexeeyo hoggaamiyaha Al-shabaab uu ku sugan yahay deegaan ku dhow degmada Ceel-barde. “Sheekh Mukhtaar iyo ciidmmo uu hoggaaminayo oo ka soo goostay kooxda Al-shabaab ayaa ku sugan gobolka, hadda wax dagaal ah oo naga dhexeeya ma jirto, waayo waxaa la yidhi cadowgaaga – cadowgiisa waa saaxiibkaa, ma jiro wadahadal na dhex-maray, balse waxaan qabnaa inaan dagaal kula jirno ciidamada Axmed Godane,” ayuu yidhi Maxamed Cabdi Tall.

Salaanmedia/Mogdisho