Wariyihii TV-ga Somali Channel Ee Saylac Oo Maalintii Labaad Ku Xidhan Saldhiga Magaalada Saylac

Wariyihii TV-ga Somali Channel Ee Saylac Oo Maalintii Labaad Ku Xidhan Saldhiga Magaalada Saylac

July  19,2013 Saylac(SM) Wararka ka imanaya magaala xeebeedka Saylac ayaa sheegaya in Booliiska gobolka Salal ay xabsiga u taxaabeen Wariye Cali Xajar oo magaalada Saylac uga soo warama Tvga Caalamiga ah ee Somali Channel, waxuuna wariyaha maalintii labaad ku xidhan yahay saldhiga magaalada Saylac iyadoo aan wax Maxkamad ah lasoo taagin.

 Wariye Cali Xajar sababta ugu wayn ee loo xidhay ay tahay xili uu doonayay inuu warbixin ka diro Dhacdo la xidhiidha rabshado dhawaan halkaasi ka dhacay taasi oo Ganacsade shidaal kala soo degay dekeda macmalka ah ee Saylac ay dhac ay u gaysteen ciidamada bada Saylac qaarkood sida dadka deegaanka xaqiijinayaan taasi oo dhalisay in iska hor imaad uu halkaasi ka dhoco isla markaasina ay ku dhaawacmaan dhawr qof kadib markii ciidamadu ay rasaas ku fureen shacabka.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in si ka baxsan hanaanka Dawladnimo iyo Xuquuqda aas aasiga ah ee Suxufiyiinta ay ciidamadu kula keceen markii Wariyaha ay soo qabanayeen iyaga oo Kamaradihii iyo agabkii kale ee Warbaahinta uu u isticmaalijirayna ay kala jabiyeen.

Si kastaba ha ahaatee, dhibaatooyinka Suxufiyiinta loo gaysto ayaa isa soo taraya iyada oo aaanan wali xeerkii Saxaafada aaanay Golaha Wakiilada Somaliland ansixin, 

 

Salaanmedia/Hargaysa