Wasiir-Cadami Iyo weftigiisa Oo Kazoo Faraxashay Hawlihii Sanaag-bari kuna soo hoydey Magaalada Hadaaftimo ee Fadhiisinka Suldaanka Guuud Ee Beelaha Sanaag-bari

Ceerigaabo(SM) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali cadami iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalmahanba kusugnaa magaalada Badhan ee Sanaag-bari ayaa caawa fiidnimadii waxay usoo kolayaysteen dhinaca Magaalada hadaaftimo ee fadhiisinka u ah Suldaanka guud ee beelaha Sanaag-bari Suldaan-Siciid Suldaan-C/salaam. Halkaas oo la filayo wasiirka iyo weftigiisu inay maalmaha soo socda ku sugnaan doonaan, si ay u qabya tiraan wada hadallada heshiisyo la filayo inay dhexmarayaan weftiga wasiir-Cadami iyo Madaxda ciidammada Puntland ee hore ugu sugnaa degaannada Sanaag-bari oo la filayo in saraakiil iyo ciidammoba ay usoo diga rogan doonaan dhinaca Somaliland.

 

Dhinaca kalena inkastoo ay jiraan dhalliilo dhinaca bulshada kaga imanayey xubno dhalasho ahaan kazoo jeeda Sanaag-bari balse dhaqan ahaan ka duwan oo miisaan iyo kalsooni badan aan ku lahayn oo weftiga xukuumaddu soo dirtay ka mid ahi haddana Wasiir-Cadami iyo weftigiisan ayaa u muuqda kuwo kazoo faraxashay hawlihii Sanaag-bari ee xukuumadda Somaliland u igmatey.