Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Somaliland “Cukuse” oo Xilkii la Wareegey

xil-wareejintii-warfaafinta-

Munaasabad balaadhan oo ka dhacday xarunta wasaaraddaasi ayna ka soo qayb galeen Xubno ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaano iyo afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa Agaasimaha guud ee wasaarada Warfaafinta Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf waxa uu faahfaahiyey qaab dhismeedka wasaaradda, shaqaalaha iyo shaqada wasaaradda, isagoo tilmaamay inay wasaaraddu ka kooban tahaytodoba waaxood.

Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda warfaafinta Md Cabdiwaaxid Cabdiqaadir C/raxmaan oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradani tahay wasaaradaha ugu saameynta badan dhinaca wershadaha, isagoo balanqaaday inay xidhiidh wanaagsan la yeelan doonaan warbaahinta kala duwan ee dalka, loogana fadhiyo warbaahinta inay guddo xaqqa ay bulshadu ku leedahay, wasarad ahaana ay diyaar u yihiin inay ilaaliyaan xuquuqda saxaafadda.

Wasiirkii hore hore ee wasaaradda Md abiib Diiriye Nuur, ahana wasiirka wasaaradda wershadaha ayaa ka warbixiyey waxyaabaha u qabsoomay wasaaradda gaar ahaan rakibaaddii idaacadda weyn ee dalka wada gaadha iyo TV-ga Qaranka oo si habboon uga socda daafaha dunida halka sidoo kalena dhismayaasha la hagaajiyey. Intaa ka dibna Md abiib waxa uu wasaaradda ku soo dhoweeyey wasiirka Cusub, isagoo sidoo kalena shaqaalaha ka codsaday inay u hagar baxaan wasiirka cusub.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cukuse waa Suxufi Rugcadaa ah oo mudo badan ka soo shaqaynayey saxaafadda.

Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo wacyigelinta oo munaasabadii xilwareejinta ka hadlayey ayaa caddeeyey inuu saaxiib dhow ka dhigan doono shaqadiisa koobaad-na uu ka dhiganayo habkii ay suxufiga dawladda iyo ka madaxa banaani u wada heli lahaayen xuquuqdooda iyadoo loo marayo qawaaniinta daklka u taalla lana ixtiraami doono sharciga guud.

Munaasabadda oo sidoo kale ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiinta wasaaradda iyo shaqaale weynaha ayaa waxaa hadalo ka jeediyey Wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Md bashiir cabdi xariir, Maareeyaha guud ee TV-ga qaran Khadar xasan Cali Gaas, Agaasimaha Radio hargaysa Md Siciid Aadan Cige, Madaxa barnaamijyada ee TV-ga qaranka Xuseen Cabdilaahi deeqsi iyo Yuusuf cabdi Gaboobe oo ku hadlayey magaca saxaafadda madaxa banaan.

 

Salaanmedia/Media

Hargiesa