Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Arrimaha Debada Somaliland Oo Maanta Xilkii Si Rasmiya Ugala Wareegay Wasiirkii Hore Ee Wasaaradaas.

Dr Maxamed

Hargeysa(SM) July27, 2013 – Xaflad balaadha oo lagu qabtay hoolka Hay’ada shaqaalaha dawlada, oo ay ka soo qayb galeen xubno ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha xisbiga UCID, Drs: Edna Aden Ismacil, wasiiro, wasiir ku xigeeno, Agaasiimayaal guud,gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha iyo marti sharaf kale.

Waxa halkaa ka hadlay wasiirkii hore ee wasaarada Arrimaha debada ahna wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Dr Maxamed C/laahi Cumar,oo ka xogwaramay intii uu xilka hayey iyo waxyaabihii ay qabteen, isaga oo sheegay in markii xilka loo magacaabay ay Somaliland godoon kaga jirtay aduunka, isla markaana ay bilaabeen inay ka qayb galaan shirarka caalamka ee khuseeya Somaliland, taasina ay keentay in bulshada caalamku indho kale ku eegto oo ay kala fahmaan Somaliland iyo Somaliya oo aduunku inagu tiriyo.

Wuxuua intaa ku daray inay xoojiyeen xidhiidhka siyaasada,dhaqaalaha,kor u qaadida mucaawinooyinka,iyo iskaashiga xagga amniga, oo uu sheegay in caalamku ogaaday in Somaliland wax weyn kala shaqayn karto,isaga oo u mahad celiyey shaqaalaha wasaarada isla markaana ku soo dhaweeyey wasiirka cusub.

Dhanka kale waxa isna halkaa ka hadlay wasiirka cusub Md Maxamed BIIxi Yoonis,oo shacabka Somaliland uga mahad celiyey sidii qiimaha badnayd ee ay dalka ugu soo dhaweeyeen,madaxweynaha Somalilandna uga mahad celiyey xilka culus ee uu u magacaabay, isaga oo intaa raaciyey waxaanu la shqayndoonaa ururada caalamiga dalalka aduunka gaar ahaan kuwa jaarka, wuxuna bulshada ka codsaday in ay gacmaha isqabsadaan oo ay dhan uga soo wada jeedaan ka midho dhalinta qadiyada Somaliland si aynu u helo aqoonsi caalamiya, ‘’oo aynu dhaafno hadalka aan micnaha samaynayn meela aan ina gaadhsiinayn dal aan mucaarad lahayni dal maaha,laakiin waxa aan isku dhaliilaynaa waa inay noqdaan wax xaqiiqda ku fadhiya ayuu yidhi wasiir Biixi.

Waxa halkaa ka hadlay qaar ka mida masuuliyiintii ka soo qayb gashay munaasibadaa,wuxuna halkaa kula wareegay xilkii wasaarada Arrimaha debada.

 

Salaanmedia/Hargaysa