Wasiirka Duulista Somaliland Oo Sheegay Sababta Xukumadu U Qaaday Xayiradii Saarayd Duulimaadyadii QM+Dhismihii Xarunta Wasaarada Iyo Madaarka Hargeysa Oo Qabyoobay!.

Wasiirka Duulista Somaliland oo sheegay sababta xukumadu u qaaday xayiradii saarayd duulimaadyadii QM+dhismihii wasaarada duulista iyo  dibudhiskii Madaarka Hargeysa oo qabyoobay!.

wasiirka

madaarka Hargeis(SM)-Wasiirka duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta shir jaara’id ku qabtay madaarka Hargeysa ayaa daboolka ka qaadey inuu ka noqday ama qaaday xayiraadii uu ku soo rogay duulimaadyada iyo diyaaradaha  qaramada midoobay ee isaga goosha gudaha Somaliland.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in la sameynayo gudi farsamo oo ka kooban Somaliya iyo Somaliland oo maamusha hawada Somaliland iyo somaliya oo fadhigoodu Hargeysa noqon doono taas darteed ay fasaxeen duulimaadyadii qaramada midoobay oo  xukumada siilanyo xayiraad saartey mudo laba bilood ka hora kuna eedaysay inay maamulkii hawada somaliya oo Somaliland –na ku jirto gacanta u geliyeen dawlada federaalka ah ee Somaliya .

Geesta kale Hawlo dayactir iyo dibudhis laga waday Madaarka Hargeysa muddo dhawr sano ah oo aan diyaaradaha rayidku ku degin ama isticmaalin, wasiirkuna balanqaadey in 20-ka Juun 2013-ka uu dhamaan doono ayaan fari ka qodnayn, lana saadalin karin waqtiga rasmiga ah ee uu dhamaan doono hase yeeshee wasiirku  sadex jeer oo hore mudeeyay balse weli qabyo ah,sadexdii jeerna aanay waxba ka suurtogelin,wax hawlo ah oo hadda ka socdaana aanay muuqan, iyadoo sababta lagu sheego lacagtii maalgelinta oo dawlada Kuwait bixisay oo ay Wasiirka iyo Inan madaxweyne Siilanyo Adeer u yahay oo la yidhaahdo Cabdirisaaq Cumaani afka iska mariyeen.

Geesta kale dhismo loogu talo galay inuu noqdo Xarunta Wasaarada Duulista oo  mudo dhawr sanadood dhismo ku socdayy agagaarka gegida dayuuradaha Hargeysa ayaa iyana qabyoowday ,waxaa iyada lafteedana loo aanaynayaa wasiirka oo qadhiiday waxoogaagii loogu talo galay in hawsha dhismaha lagu fuliyo,taas darteedna marna hawsheeda la joojiyo marna la bilaabo.

 

Salaanmedia/Hargaysa

Hargeisa

Â