Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Maanta La Shiray TV-Yadda Dalka Ka Hawl-Gala

 

July 22,2013 Hargaysa(SM) Wasiirka wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo Wacyigelinta Mud, Cabdillahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa Madaxda Telefishanada gaarka loo leeyahay ee dalka ka howl-gala.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdillahi Maxameed Daahir, ayaa kala hadlay masuuliyiintaas sidii ay u waafajin lahaayeen waxa ay bulshada u baahinayaan shuruucda dalka u taalla isla markaasina ay ka feejignaadaan wixii wax u dhimaya ammaanka, Diinta iyo Dhaqanka.

Wasiirku waxa uu intaa raaciyay in xukuumad ahaan ay ku taageerayaan warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Telefishanadu ka mid yihiin shaqadooda, balse iyana dhinacooda looga baahan yahay inay tixgeliyaan qawaaniinta dalku leeyahay.

Wasiirka warfaafintu waxa uu sheegay in aanay dalka ka hawl-geli Karin warbaahin aan ka sharciyeysnayn dalka,ruqsadna aan ka haysan hay’adaha ku shaqada leh.

Madaxda Telefishanada gaarka ah ee ka hawlgala Dalka ee kulanka ka qayb galay,ayaa iyana dhinacooda balan qaaday inay ku dhaqmayaan shuruucda iyo qawaaniinta dalka kuna dadaalayaan wixii dhaliilo ah ee jira in ay saxaan.

Kulankan waxa Wasiirka ku weheliyey wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta Md. C/waaxid C/qaadir C/raxmaan iyo Agaassimaha Guud ee wasaarada Md. C/rashiid Jibriil Yuusuf.

Salaanmedia/Hargaysa