Waxaa Ku Dayasho Mudan Labadan MP-Yada Taageeray Joojinta Qaadka Ee UK .Maxaase Ka Hortaagan In Ay Masuuliyiin Kale Ka Hadlaan…?

 

Akhristaw waan idin salaamay waxay ahayd maalin Arbaca ah bishuna ahayd 3July markii ay Dawlada UK ku dhawaaqday in Qaatkii la joojinaayo.  Ila waqtiga oo aniga iyo kooxda la Dagaalanka Qaaka aan arrinta shacacba Somaliweyn u soo bandhignay. Waxa noo muuqatay in aanan dad sidaasi ahi arrimaha ka faaloonin in yar mooyane.  Talaw maxa dhacay?

Taa macnaheedu, waxa weeye wali dadka badankoodu waxay ka xunyihiin Qaatka laga joojiyay iyo iyagoo wali diyaar u ah inay lacag kalena waliba u diraan dalalka Kenya iyo Ethiopa. Masuuliyin Dawlada ka socda iyo qaar mucaarid ah oo arrinta ka hadla kuna faraxsan ila imika ma hayno , marka laga reebo labadan xildhibaan aan hoos kaga faaloon doono.

Hadaba, waxan halkan ka salaamaya labadan xidhlibaan ee ku  dhiiraday inay arrintaa ka hadlaan , halka kuwii kale ay kaba gabadeen inay arrintaaba soo qaadan.  Taageerada Xildhibaanadaasina waxay ku bilaabatay sidan ee akhriso waa sida ay Jariiradu u qortaye.

Sida aan ka soo xigtay jariirad ka soo baxda dalka Kenya oo la yidha “Daily Nation” waxay qortay iyo tacliiq aan raaciyay “   in laba nin oo MPs ama Xildhibaano ka ah aqalka wakiilada ee Kenya, ay shaaca ka qaadeen mar ay la hadlayeen Jariiradan in ay gabi ahaanba taageersanyihin in Qaatka Uk loo diro la joojiyo.

Xidlhibaan Diriye Abdulahi Mohamed ee ka soo jeeda dhulka la yidha NFD dhulkaaso ay dawlada Kenya imika ay gumaysato ee (Konfurta Wajeer) iyo Mohamed Shidiye (lagadera). Ayay labadooduba si cad u taageereen go’anka ay dawladu UK ka gaadhay in Qaatka Kenya la joojiyo.

Waxay yidhaahdeen iyagoo hadalkoodi sii wata “ Qaatku Miiroogu waa mukhadaraad dadka duleeya sida ay sheegeen baadhitaan badan oo la sameyayba, waxa kale uu Qaatku keena cajis ma shaqaystanimo, xanuuno, dhaqaala xumo iyo waxyaaba kaleba”.

Waxa kale oo ay u sheegeen Jariirada in ay dadka beeralayda ah ee Qaatka miirooga beera ee Kenya in loo tababaro shaqooyinkale oo ay ku shaqaystan, beerahana wax nafac leh ku beeraan.  Waxu Shidiye  sheegay in aanay sabab u noqonayn in Beerlayda Miirooga ku doodaan inay Qaatka miirooga ah ay u beeraan si lacag uga helaan.

 Mark ta laga yimaado, Ila imika ma garanayo waxa ku dhacay Masuuliyiinti Somalida Geeska Afrika  meel ay jooganba, inay arrinta ka hadlaan.  Waxa ii muuqata in Qaatkiiba uu noqday Libaax laga baqayo in la soo qaadaba (shaagleh laga baqay) iyo inaad moodo in laga warwareegayo in wax laga sheego dawladaha Kenya iyo Ethiopia samayntoda dhaqaale ay arrinta ku leeyihinba.

Waxa taa kaaga daran ceebta manta Somalida haysata oo ah dhaqaalihii laga heli jiray Qaatka Miirooga ayaa waxa hadala kulul isku waydaarsanaya dawladaha Kenya iyo UK, halka ay sida la sheegay ay Jaraaiidku caalamku qoraayaanba ay Somalidu tahay macaamiisha laga helo lacagta Qaatka. Marka waxa nasiib dara ah in ay somalidii noqdeen dad iska aamusan oo dushooda lagu dagaalamayo isla markaana aan codkooda la maqlinba haba yaraatee..

Waxan hadalkaygii ku soo gabagabaynaya Maanta Qaatka lacagta ay dawladaha Ethiopia iyo Kenya ka helaan dalalka Somalia, Somaliland iy Djibouti marka laga reebo NFD iyo Somali Galbeed (Kilinika 5aad) waxay kor u dhaafaysa lacagta laga hela in ka badan ila 350,000 million Dollar sanadkiiba sida ay (WHO) sheegtay sanadkii 2007.

 Dawladaha aan sheegay waxay usoo diraan Qaatka oo keliya dalalka Somaliweyn lacag iyaga laga helaana haba sheegin.. Caalamka waxa lacag cad bixiya inaka mooyane majiraan…..wa yaab!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! Wasiirkii hore ee Somaliland Mr. Mohamed Xashi ay mar u sheegay dawlada Ethiopia inay iyaguna ka qaatan milixda iyo kaluunka, arrinkaana waxad mooda in ay dawlada Ethiopia ka gawadeegtay ama aanu waxba ka suurtoobin.

Hadaba bal wax kaleba ha joogaane maxay Masuuliyinta Somalida ee Geeska Afrika meelkastaba ha joogaane ay uga hadli waayenn joojinta Qaatka ee UK.

Mahadsanidin.

Adan Jama Kahin

Vice Chairman LDaglanka Qaaka

Ahna Xildhibaan Deegaan.

Milton Keynes ,UK