Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

“Waxaa Soo Arkay Dawladda Dedaal Samaynaysa, Wakhtigu Wuu Adag Yahay Laakiin Doonaysa Inuu Wadanku Dhismo” Prof: Samatar

London (SM) Prof . Axmed Ismaaciil Samter, ayaa sheegay inuu garwaaqsaday go’aanka shacbiga Somaliland iyo iraadadooda oo uu wax badan ka fahmay isla markaana doonayo inuu dhinac ka raaco oo uu la shaqeeyo waxna la qabto.

 Salaan media_005

Prof. Samatar oo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingiriiska waxa tafaasiil ka bixiyay arrimihii farxad geliyay ee uu Somaliland ku soo arkay dhawaan markii uu socdaal ku yimid. Waxa uu ku dooday in xukuumadda Somaliland dedaal badan muujinayso inkasta oo tamarteeda dhaqaale aad u hooseyso.

images

Axmed Ismaaciil oo waxa uu ugu horayn ka hadlay waxyaabihii uu kala kulmay Somaliland, waxaanu yidhi “waxaan kala kulmay wax yaalo badan oo ku farxad galinaya oo mooralkaaga kor u soo qaadaya haddii aad tahay qof u dhashay oo rajo ka qaba inay wanaagsanaato, Somaliland waxa ka muuqda waa wax lagu farxi karo oo rajo weyn kugalin kara . Waxa ka mida raad dawladeed anigu waxaan soo marey Saylac ilaa Ceerigabo inta ka dhaxeysa meel kasta waa nalagu soo dhaweeyay, waan joogsanay waaxan arkey maagalo yar oo kasta dawlada raadkeedii iyo xafiisyadeedii oo ka jira oo ay shaqeynayaan, burburkii ka dib waa meesha qudha ee kartidaas la timid markaa waa wax lagu faano oo mudan in adduunyadana loo sheego.”

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu sheegay inuu la amakaagay jawigii loogu soo dhaweeyay Saylac illaa Ceerigaabo, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan soo arkey dad deeeqsinamadooda aan la qiyaasi karin, raxmad iyo jaceyl aan la qiyaasi karin leh oo aniga la i tusay, meel kasta oo aan tagnay. Boorame oo kale boqol kun oo qof ayaa meel ku soo ururey, Gabiley meel aan ka joogsado dadkii ayaan weynay 2ml meel u jirta ayaan magaalada ka soo baxay magaalada Berbera, Hargeysa, Burco, Ceerigaabo Ceel-Afweyn, Saylac iyo Lughaya iyagana sidaasi si le’eg. Meel aanan marin Somaliland oo si aad kuu taabnaynin majirto markaas taasna waan kala kulmay waxay ku galinaysaa kalsooni dheeraad ah inaad dadkaagii ku qabto.”

“Waxaa soo arkay dawlada Somaliland oo Hargeysa fadhida oo dedaal samaynaysa, wakhtigu wuu adag yahay laakiin doonaysa inuu wadanku dhismo oo aad ku arkeyso calaamadaheedii meelo badan, dhanka kale marka aad ka eegtana waxaa soo arkay Hargeysa way weynaatay , Gabiley iyana la mid, Boorame hadalkeeda daa, Burco oo warshado ku yaalaan. markaa wadan koraya ayaad arkeysaa,’ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar oo HCTV ugu waramayay caawa Magaaladda London.

Prof. Samatar waxa uu sheegay inuu Somaliland ku soo arkay in qiyaastii 72 ay dhalinyaradu shaqo la’aani haysato, waxaanu ku baaqay in wax laga qabto, waxaanu yidhi “Waxaan soo arkey dhalinyaro shaqo la’aani hayso oo 72% ayaan shaqayn, oo ay tahay in wax laga qabto, waxaa soo arkay oo kale biyo la’aan dad badan haysata, waxaan soo arkey wadooyin laga cawdu-bilaysto oo maridoodu tahay khatar weyn wakhti badanna kaa cunaya, wado xumidu waxay shakaal u noqonaysaa inuu kor u koco dhaqaalihii wadanka ta ugu dambeysa waxay tahay aan soo arkey xaga dhibtaada a in tamartu (Energy) wadanka ku yar tahay oo korontadu qaali ay tahay dadka intiisa badana aaney korontaba haysan arrintaasi hawl weyn ayay u baahan tahay in laga qabto.”

“Somaliland waxay ila tahay inay u baahan tahay cadaalad iyo wada jir, cadaaladdu waxay keentaa wada jirka, wada jirka dhawac ayaa ku dhici haddii aanay cadaaladi jirin,’ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil,”ayuu yidhi Profesarku.

Prof . Samater, oo la weydiiyay maqifkiisa siyaasadeed, waxa uu ku jawaabay, “Hadii aanan Somaliland iyo taariikhdayda halka ay taagan tahay qalbiga aanan ku haynin maan imaadeen. laakiin waxa weeye kalgacal inaan dadkaygii isa soo ursano, is warsano wada doodno ayaan u imid, ummadda aan ka dhashay go’aanka ay goosatey intii karaankayga ah inaan fahmo ayaan u imid, waanan fahmay markaa inaan dhinaca ka raaco oo waxaan la qab karo aan la qabto oo aan la shaqeeyo waa waajib, taasina waxay ku xidhan tahay waxa miiska yaala ee laguula yimaado ayay xidhan tahay.”

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd inuu tilmaan ka bixiyo sida ay Somaliland u heli karto aqoonsi dublamaasiyadeed, waxa uu yidhi “Siyaasada dibadda iyo qufulkaa culus sida loo furayo inteeda badan innaga (Somaliland) ayay innagu xidhan tahay, su’ aashu waa inay noqotaa sidee nalagu aqoonsan karaa? Markaa waxay u baahan tahay farsamo, cilmi iyo farsamo. Adduunyadu waxay leedahay mafaatiix waaweyn, kuwo yar yar iyo kuwo dhexe. Markaa haddii aad ku mashquusho kuwa yar yar 100 sano cidi ku soo eegi mayso.”

Salaanmedia/London

 




Leave a Reply