“Waxaan Ku Suganahay Deegaan 5Km U Jira Kismaayo, Qorshaygu Waa In Aan Dib U Qabsado Magaalada Kismaayo….”Bare Hiiraale

(SM:Hargaysa)Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ka mid ah madaxweynayaashii is-magacaabay ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay inuu ku sugan yahay duleedka magaalada Kismaayo uuna wado abaabul dagaal oo uu ku doonayo inuu dib ugu qabsado Kismaayo oo dhawaan laga saaray.

Col. Hiiraale oo u warramayay warbaahinta  ayaa sheegay in isaga iyo xubno la safnaa ayaa dhawaan dagaal lagaga saaray Kismaayo, waxaana xubnihii la safnaa ee iyaguna madaxweynenimada sheegtay maalin ka hor laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

“Waxaan ku suganahay deegaan 5-km u jira Kismaayo, qorshahayguna waa inaan dib Kismaayo ugu qabsado xoog, maadaama xoog la iiga soo saaray,” ayuu yidhi Col. Barre Hiiraale oo eedeyn u jeediyay ciidamada Kenya.

 

Mas’uulkan madaxweynenimada sheegtay ayaa wuxuu ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM ku eedeeyay inay gacan ku siiyeen ciidankii ay la dagaalameen dagaalkii ay kula jireen, isagoo xusay inay iyaga yihiin kuwa ka saaray magaalada.

 

“Deegaanka aan ku sugannahay waxaa ka talisa Al-shabaab, haddana isku cadow ayaan noqonnay,” ayuu yidhi Col. Barre Hiiraale.

 

Col. Hiiraale ayaa sidoo kale sheegay in aanu ka tanaasulayn mowqifkiisa ku aaddan inuu dagaal ku galo Kismaayo, balse wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo xilliga uu qorsheynayo inuu dagaal ku qaado Kismaayo.

Salaanmedia/Media