“Waxaanu kala Garan Waynay inuu Annagga (Somaliland) Nala Socdo iyo Inuu Soomaaliya la socdo”

“Markii Aanu Joognay Istanbul Waxa uu ahaa Ninka Kaliya ee Naga Baydhay haddana wuxuu yidhaahdaa dalka ayaan Ilaalinayaa”
“Waxaanu kala Garan Waynay inuu Annagga (Somaliland) Nala Socdo iyo Inuu Soomaaliya la socdo”

“Xisbigiisii UCID la odhan jiray Mee Waa Kaligii Xisbi”

BERBERA(SM)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha UCID inuu dalka khiyaameeyay maalintii uu London kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu ku tilmaamay Guddoomiyaha UCID inay u kala garan waayeen inuu la socdo Somaliland iyo inuu la safan yahay Soomaaliya.

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo daba socday eedo uu shalay u jeediyay Xukuumadda Faysal Cali Waraabe oo sheegay in laga reebay Gudidii wada hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi “Madaxweynaha ayaa qorsheeya Guddiyadda baxaya ee Qaranka, Madaxweynuhu waxa uu u qorsheeyay inay sadexda Gole ka qeyb galaan. Waxa maraya Golihii Xukuumadda oo ay sadex Wasiir ka marayaan. Waxa kale oo maraya Goleyaashii baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda) oo ay sadex xubnood ka marayaan.”

Wasiir Xirsi waxa uu Faysal ku eedeeyay Inuu lugooyo ku ahaa socdaaladii uu hore u raacay, waxaanu ku sifeeyay mid lugooyo uun kala hadhay , isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Faysal Taariikhdiisa waa la yaqaanaa, haddii uu na raaci jirayna lugooyo ayuu nala raaci jiray, haddii uu naga hadhayna lugooyo ayuu nagala hadhay.”

“Waxa Macruuf ah maalintii uu khiyaameeyay wadanka waa la garanayaa, waa maalintii dhawayd ee isagoo ka mid ahaa Gudidii wada hadalada uu madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay London, iyadoo aanu cidna uga fasax qaadan,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi oo maanta magaaladda Xeebta ku taalla ee Berbera ugu waramayay Laanta Afsoomaaliga ee VOA-da, xili wefti uu xubin ka ahaa oo iskugu jiray Xukuumadda iyo Goleyaasha baarlamaanku ay u kicitimayeen dalka Turkiga oo lagu wado inuu todobaadka fooda inagu soo haya ay ka furmaan wajigii labaad ee wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ugu dhex maray dalka Turkiga.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu ku eedeeyay Guddoomiyaha UCID in uu Gudidii wada hadalada uu ka baydhay mudadii ay wada-hadaladu uga socdeen Somaliland Iyo Soomaaliya Magaaladda Istanbul ee wadanka Turkiga.

“Faysal waxa uu ahaa markii aanu Joognay Istanbuul ninka kaliya ee Guddida ka baydhay markii la lahaa Madaxweyneyaashu ha saxeexaan, waxa uu ahaa ninka kaliya ee ka baydhay Gudiyada. Mar walbana waxa uu ahaa ninka kaliya ee lahaa yaanay Madaxweyneyaashu saxeexin ee Wasiirradu ha saxeexaan, dadkana waxa uu u sheegtaa inuu wadanka ilaalinayo,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Faysal Baasaboorka uu sitaa waa baasaboor ajanabi ah, Dastuurka waxa ku taalla inaanu is sharixi Karin qof sita Baasaboor ajanabi ahi, waxa uu dhiibaa oo safaaradaha dhigaa waraaq uu leeyahay waan ka noqonayaa.kamana noqdo.”

“Waxa kuu cadaynaysa Faysal inaanu bulshadda cidna kala socon ee uu maalin walba iska hadlo oo uu iska buuqo. Waxa kuu cadaynaysa Xisbigiisii UCID la odhan jiray mee waa kaligii xisbi. Faysal Waxaanu kala garan waynay inuu Annagga (Somaliland) Nala socdo iyo Inuu Soomaaliya la socdo,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Sakaanmedia/Hargaysa