W/Duulista Oo Joojisay Isticmaalka Baasaaboorka Soomaliya

Hargeysa(SM)-Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa soo saartay go’aan lagu joojinayo Isticmaalka Baasaaboorkii hore ee somaliya (Green Pasports), kaasoo ay hore u madnuuc dawlada somaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Axmed Cali Faarax, ayaa lagu amray inaanay shirkadaha diyaaraduhu soo qaadi Karin, Tigidhna ka iibin Karin qof sita Baasaaboorkii Cagaarnaa ee somaliya.

Amarka ka soo baxay Wasaaaradda Duulista Hawada oo Tix-raacyay awaamiir ay hore uga soo saareen Isticmaalka Baasaaboorkan Wasaaradda Daakhiliga iyo Laanta socdaalka Somaliland, ayaa u dhignaa sidan:-

“Mudanayaal aniga oo tixraacaya warqadda sumadeedu tahay WSW/HG/02/14/2013 ee ku taariikhaysan 06/05/2013 kana soo baxday xafiiska taliyaha waaxda socdaalka qaranka laguna soo lifaaqay amarka Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee sumadeedu tahay WAG/XW/369/04/2013 kuna taariikhaysan 07/05/2013 ujeedadeeduna tahay in la dhaqangaliyo go’aankii joojinta Baasboorkii hore ee Soomaaliya (Green Passport) maadaama ay sidoo kale joojisay Dawladda Soomaaliya dalkii lahaa.

Sidaas awgeed, waxaa dhammaantiinba la idin farayaa in laga bilaabo marka warqadan dhaqangelisaan si toos ahaana aad u raacdaan amarka dawliga ah.

Waxaan ku rajo weynahay in aad gacan ku siin doontaan waaxda socdaalka oo shirkadaha ganacsiga dayuuraduhu soo qaadin qof sita Baasboorka la joojiyay kuwa tigidhaduna ayna ka iibin qof sita marka laga reebo dadweynaha Somaliland ee ka shaqeeya dalalka Carabta ee deganaansho (Ciqaamadaha)ugu yaalaan inta aanay badalin Baasboorkaas.Sidaas iyo wada shaqeyn wanaagsan.”

 

Salaanmedia/Hargaysa