Wefti Wasiirro ah oo u kicitimay Ceerigaabo si loogu gacan galiyo ciidamo kasoo goostay Khaatumo

 

Ceerigaabo (SM) Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan isla markaana ay Xubno ka Yihiin Wasiirada Warfaafinta, Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse,Biyaha Mudane Xuseen Maxamed Cabdille,Wasiirul Dawlaha Nabadaynta ee Gobolada Bari Mudane Cali Xasan Maxamud Cali Sandule ,Jananka Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa maanta u kici timay Magaalada Ceerigaabo.

Weftiga ay soo maray Magaalooyinka Berbera,Burco,Caynabo, Oog waxaanay soo dhawayn diiran kala kulmeen qaybaha bulshada .
Sida uu Noo Xaqiijiyay Wasiirka Wasaarada Warfaafinya,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse Waxay Weftigan Ujeedada Socdaalkoodu la Xidhiidhaa hawlo dhinaca Nabadaynta beelaha, Maamul Daadajinta Dawliga ah,iyo Wax ka qabashada arrimaha Horumarka ee deegaamada ay Weftigu booqashada shaqo ku tageen.

Waxaa Weftiga uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada ee Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Caawa Casho Sharaf ugu Sameeyay Deegaanka Beer Weyso oo 60 KM bari ka Xigta Ceel afweyn Boqor Cismaan Aw Maxamud Buur Madow, Waxaana Weftiga halkaasi ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag,Duqa Magaalada,Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolkaas iyo Mas’uuliyiinta Degmooyinka Gar adag,Ceel Afweyn iyo Darar Weyne.

Geesta Kale Warar Xog Ogaal ah ayaa Noo Xaqiijiyay in Weftigu ay Maalinta Beri ah ka qayb gali doonaan Ciidamo ka Soo Goostay Maamulka Khaatumo kuwaas oo wata 15 Gaadiidka Tiknikada ah iyadoo uu hawshaas ka Odayeeyay Boqor Cismaan Aw Maxamud Buur Madow.
Weftiga ayaa ku sii Jeeda Dhinaca Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag Wixii Warar ah ee Ka soo Kordhana waxaanu idiin balanqaadaynaa inaanu idiin Soo Gudbino.

Salaanmedia/Hargeysa