Xaaji Cabdi Waraabe Oo Is Barbar Dhig Ku Sameeyey Xukumadihii Soo Maray Somaliland, Talooyina Usoo Jeediyay Xukuumada Siilaanyo

 

Xaaji Cabdi Waraabe Oo Is Barbar Dhig Ku Sameeyey Xukumadihii Soo Maray Somaliland, Talooyina Usoo Jeediyay Xukuumada Siilaanyo

July 21, 2013 Hargeysa(SM) – Xaaji Cabdikarin Xuseen (Cabdi Waraabe) oo maanta ka hadlaayey munasibad lagu soo bandhigay taariikhdii Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa is barbar dhig waayn ku sameeyey afartii xukumadood ee soo maray mauriyada Somaliland.

Cabdi Waraabe ayaa tusaale ahaan u soo qaatay geesinimadii xukumadii ugu horaysay ee ay hogaaminaayey Cabdiraxmaan Tuur iyo Xasan Ciise, waxaanu intaas ku daray inay lahaayeen go’aankii ay jamhuuriyada Somaliland goonida isugu taagtay.

Xukumadii ka danbaysay ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu ku sifeeyey nin seeska u dhigay dalwadnimada Somaliland, isla markaana dadka aad u kala yaqaana, waxaanu tusale u soo qaatay dardaarankii uu kursiga ku helay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu yidhi Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf iyo Sheekh Axmed Sheekh Fure, iyo Suldaan Cabdiraxmaan iyo aniga, wuxuu nagu yidhi caawa hadii aan dhinto waan xanuusanayaa ee ninkaas u dhiiba (Rayaale), wuxuu yidhi ina Rayaale dul ayuu leeyahay, danta dadka ayuu ogol yahay, dabeeto ninkaas ogaada ayuu yidhi.

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa sidoo kale Daahir Rayaale Kaahin ku amaanay kaalintii uu ka qaatay dhismaha ciidanka qaranka, waxaanu ku sifeeyey shaqsi dul qaad u leh dalka iyo dadkaba, waxaanu tusaale u soo qaatay markii magaalada Laascaanood lagu xabadeeyey ee uu ka door biday nabada.

Xukumada maanta jirta ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo ayuu Xaaji Cabdi Waraabe ku tilmaamay mid dul qaad la?aan isla markaana ay saxaafada ka dayso xadhiga iyo xidhitaanka xarumahooda, waxaanu yidhi

Xukumada maanta jirtaa sharaf ayey leedahay. Idinku dul lahaada oo hadalkiinu ha tirsanaado, ninka xumi isaga ayaa soqo noqon doonaa oo shicibkii ayaa soo celin oo wixii idiidn jawaaba idinku haku deg degina.

Cabdi Waraabe ayaa ugu danbayntii talooyin u soo jeediyey Xukumada, waxaanu ka wacdiyey in aanay saxaafada ku deg deign, waxaanu yidhi. Waxaan ku wacdinayaa xukumada xabsiga inmada hakula deg deign iyo meeshooda oo aad ka xidhaan, Waxaanu u soo jeediyey xukumada iyo madaxweynaha in saxafiiyiinta loo furo goobo kor loogu qaado aqoontooda oo xataa aan lacag la waydiin.

Salaanmedia/Hargaysa