Xagay martay xuquuqdii Aadamuhu?Ma ha isu nixina oo hadba kii wax haystaa wax ugu darbaa?Xildhibaan Ifraax Cali Kirix.

 image

Ma haysu nixina oo hadba kii wax haysta wax ugu darbaa? Hadaba waxan leeyahay meeyey waxgaradkii dadka iyo umadaba hogaaminlahaa!    Aniga oo aan rabin inaan cidna dhalanteedeeyo oo aan farta ku fiiqo,waxan rabaa inaan waxyar idin xasuusiyo oo aynu inta badan gees marno hadaynu nahay dadka reer Somaliland.Imisaa hooyo ama qof dumar ah oo aan maskaxdeedu dhamayn dhexjoogta wadankeena oo ay dhibaatooyin badani haysato oo ay kala kulanto bulshada ay lanooshahay,hadaynu tusaale ahaan usoo qaadano dumarka aanay maskadoodu dhamayn ee derbi-jiifka ah ee waliba caruurta iyo wax magaratadu dhagaxaameeyaan.

Iyadoo dhagaxaantaasi iyo waxyaabaha lala dhacayo ay u gaystaan dhaawacamar marka qaarkood aanay kaba nuuxsan karin.Talabaad waxa jirta hablo farabadan oo la faraxumeeyo oo loo gaysto dhibaatooyin farabadan oo tusaale ahaan kufsigu kow ka yahay,inamada yar yar oo isutaaga dariiqyada una gaysta dhibaatooyin dhaawacyo nafsi ah iyo kuwa jidhba ugaysta,sida iyadoo quraarado,midiyo iwm ku weerara. Waxaas oo dhan cid kahadashaa way yartahay managaranayo waxa ugu wacan ee looga hadliwaayey ee looga aamusanyahay haday tahay xukuumada,xisbiyada,madaxdhaqameedyada,culima-awdiinka iyo maalqabeenada oo ka ciyaarikara door mugwayn waayo iyaga ayaa maalgelin kara xarumo lagu xanaaneeyo dadkaa jilicsan ee aan kor ku xusay.    

 

   Marka aynu dib u yara jaleecno bilahan ugu danbeeyey waxad moodaa inaynu ku mashquulnay arimo aan runtii marka muhiimadeeda la,eego aan sidaa usii ridnayn sida tusaale ahaan shirarkii Somaliland iyo Soomaaliya oo aynu wakhti badan iyo tamar badan kulaminaynay,siyaasadan dadkii lagu mashquuliyey ee waxgaradkii dalka, miyaanay aheyn in aynu u soo noqono waxyaabooyinka wadanka inooga bahanyahay iyo dadkeenuba ha u horayso dadkan jilicsan  ee aan hore u soo sheegay.Shirarka,siminaarada,xafladaha layskula kulmayo,ololaynta waxaynu ku bixinaa lacag aan xadlahayn.Markaan tusaale ahaan soo qaato caawa oo ay bishu tahay 29-07-2013 waxa dhacaya xaflad lagu maamuusay qurbajoogta Somaliland ee kusugan Hargaysa taas oo aynu ogsaanahay inay ku baxayso lacag aan xadlahayni  oo ay ku haboonayd in lagu bixiyo meelaha ay ku haboonayd ama u baahan in lagu daryeelo.

Sida aynu wada ogsoonahay dadkan qurbajoogta ah ee jooga wadamada reer galbeedka ah waxay haystaan dhamaan waxyaabihii aasaasiga ahaa sida wax barasho bilaash,caafimaad,hooy iyo hugba.Markaa dadkaas aan waxba uga baahnayn ee waliba lacagtana sita miyay haboontahay in dadka danyarta ah ee aan waxba haysani inay ka daawadaan shaashada iyagoon waxba haysan.Waxan caawa ku farxi lahaa iyadoo aytahay bishii barakaysnayd ee ramadaan in laysugu yeedho wixii danyar ahaa magaalada oo aan iyagu wiligood iyo waaqood fursad u helin inay soo galaan hoteeladaa waaway n ee xafladaha lagu qabanayo.Ilaahay hayna garansiiyo wanaaga iyo danta umadaba.Ramadaan kariim dhamaantiin.

.XAGAY MARTAY XUQUUQDII ADAAMUHU! MA HAYSU NIXINA OO HADBA KII WAX HAYSTA WAX UGU DARBAA?

 

XILDHIBAANAD IFRAAX CALI KIRIXÂ