Hargeysa(SM)-Xildhibaan Khadar Xuseen Xirsi (Kh.Xaawiye) oo kamida Golaha Deegaanka ee Magaalada Oodweyne oo u waramaayey Warbaahinta ayaa waxa uu si diiran usoo dhaweeyey magacaabista Wasiirka cusub Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade isagoo isla markaana xushay in Mr. Warancade yahay masuul qaaliya oo hawlaha qaran ee loo igmado si mugle uga soo baxa isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi “Waxan maanta halkan ka hambalyeynayaa wasiirka cusub ee wasaarada arimha gudaha Mudane Cali Warancade oo aynu wada ognahay waxqabadka muuqda ee uu hore qarankan ugu soo qabtay iyadoo hadeertana aynu ka filayno inuu halkiisii kasii wado “
Dhinaca kale Xildhibaan Khadar Xaawiye ayaa isagoo ku hadlaaya afka Golaha Deegaanka Oodweyne ayaa waxa uu xushay inay soo dhaweynayaan Wasiirkan cusub isla markaana si buuxda ula shaqayndoonan wasiirkan Cusub