Xisbiga Kulmiye ayaa aad usoo dhaweeyay qodobka ku saabsan in Somalia bixiso magdhawga kumanaankii reer Somaliland

maqaal

Ehelada iyo guud ahaanba dadweynaha reer Somaliland ayaa dareen soo dhawayna ka bixiyay qodobada ay waftiga Somaliland matalaya ee wadahadalka Somalia uga furmay wadanka Turkiga ay miiska wada hadalka hordhigeen, gaar ahaan qodobka ku saabsan in Somalia bixiso magdhawga kumanaankii reer Somaliland ee taliskii Rajiimkii Siyaad Barre xasuuqa ba’an u gaystay sanadihii siddeetameeyadii, isla markaana la maxkamadeeyo Dhagar-qabayaashii xasuuqaasi fulayay ee daafaha dunida ku dhuumaalaysanaya. Qodoblkaasi oo dadwweyne farabadani dareenkooda ka bixiyeen ayaa sheegay in guud ahaanba ay xukuumada Somaliland ku hambalyaynayaan qodobada miiska wadahadalka ay waftiga Somaliland hordhigeen, isla markaana qodobka Magdhowga xasuuqii loo gaystay dadkooda xilliyadii siddeetamaadkii ay aad u soo dhawaynayaan, taasoo ay sheegeen inay muujinayso sida aan marnaba loo ilaabi Karin xaquuqii ba’naa ee kumanaaka qof ee reer Somaliland ka soo jeeda taliskii Rajimkii Afweyne ka fuliyay gobollada iyo degmooyinka Somaliland ilaa Ceerigaabo ilaa Awdal.

 

Maxamed Axmed oo ka mid ah qoysaskii qaar ka mid ah dadkoodu ku jireen dadka la xasuuqay oo shalay Haatuf uga waramay ayaa waxa uu yidhi “Horta waan soo dhawaynayaa qodobada waftiga Somaliland miiska wadahadalka Somalia ee shirka Turkiga uga furmay, gaar ahaan qodobka ku saabsan Magdhawga xasuuqii taliskii Daallinkii siyaad Barre ka fulayay dalka ee lagu laayahay dadka farabadan ee reer Somaliland iyo in la maxkamadeeyo gacan ku dhiiglayaashii ka masuulka ahaa fulinta xasuuqaasi ee daafaha dunida ku dhuumaalaysanayta sidii maxkamad loo soo taagi lahaa, qodobkaasi aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa, waxaanu ka turjimayaa sida weyn ee loo xusuusan yahay ee aan marnaba loo ilaabi Karin kumaankii qof ee wadanka u dhashay ee la xasuuqay”. Sidoo kale Caasha Yuusuf Muxumed oo ka mid ah qoysaska eheladooda ay ku jireen xasuuqa ayaa waxa tidhi “Waxaanu ku soo dhawaynaynaa dareen farxadeed markii aan maqlay waftiga Somaliland ee shirka wadahadalka Somaliland iyo Somalia ee Turkiga qodobada waftigeenu hordhigeen u ku jiro qodobka Magdhawga la xidhiidha xasuuqii iyo in la maxkamadeeyo dambiilayaashii xasuuqaasi fuliyay ee taliskii Siyaad Barre ee wakhtigan xaadirka ah ku dhuumanaya qaar ka mid ah wadamada dunida, waxaanan leeyahay xukuumada Somaliland halkaas ka sii wada”

. Dhinaca kale waxa xasuuqaasi macluumaadka ku saabsan ayaa waxa dabagalkiisa gacanta ku haya xafiiska baadhitaanka iyo dabagalka xasuuqa ee guddiga xafiiskaasi ku leeyihiin Hargeysa, isla markaana hore u diiwaangaliyay tirada iyo xabaal wadareedyo tiradoodu gaadhayso 228 goobood oo ku kala yaala Ceerigaabo ilaa Awdal inta la ogyahay iyo tirada dadkii la xasuuqay.Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Kulmiye Jaamac shabeel ayaa sheegay inaan laga Hadhayn kuwii dadkan xasuuqay dHulkoodiina burburiyay, waxaanau bogaadiyey waftiga Somaliland ee wadahadalada oo uu sheegay inay ka turjumayaan rabitaanka shacabka Somaliland .