July 24, 2013 Hargeysa(SM) – Gudoomiyaasha labada xisbi mucaarid ah ee Waddani iyo Xisbiga Ucid ayaa maanta si rasmiya u kala saxeexday heshiis ay si wada jira qalinka ugu duugeen labada gudoomiye ee labadaas xisbi.
Xafladadan ayaa maanta ka dhacday Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa ugu horayn waxa heshiiska wada jirka ah ee labada xisbi mucaarid akhriyey Prof:Cabdirashiid oo ka mida masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan ?Waxa maanta farxad weyn iyo guul u ah labada xisbi mucaarid ee wadani iyo Ucid inay si wada jira u heshiiyeen maanta oo arbaha taariikhudan tahay 24/07/2013, taas oo laga soo bilaabo 15/07/2013 oo la soo afjaray khilaafaadkii siyaasadeed ee u dhaxeeyey labada xisbi, isla markaan ay labada xisbi isla qaateen ay iska kaashadanaa arimaha mucaaridnimo iyo danta qaranka.
Heshiiska labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo Ucid ay gaadheen ayaa u muuqda mid ay xukuumada isaga gaashaan buuraysanayaan inay kala hor yimaadaan mucaaridad adag, oo ay si wada jira xukuumada ugala hor yimaadaan.
Nuxurka Qodobada Heshiiska Labada Xisbi Ayaa Ka Koobaa 10 Qodob:
1. In la magacaabay guddida wada shaqaynta labada xisbi mucaarid, 2. Inay labada xisbi mucaarid iska kaashadaan sidii ay xukuumada ugu ilaalin lahaayeen ku dhaqanka distoorka iyo shuruucda dalka 3. In labada xisbi mucaarid ay ku heshiiyaan inay xukuumada si mug leh ugala shaqeyaan hawlaha ictiraafk radinta dalka 4. In wada tashi joogto ah laga yeesho marxaladaha uu marba dalku marayo 5. In si wada jira layskaga kaashado arimaha doorashooyinka dalka si aanay doorashooyinku wakhtigoodii ugu qabsoomaan, dib uga dhicin 6. Inay labada xisbi mucaarid diyaar u yihiin inay xukuumada iyo xisbiga Kulmiye kala shaqeeyaan danaha guud ee dalka 7. Inay reeban tahay inay labada xisbi iska duraan warbaahinta, oo aan laysku marin wax aflagaado ah 8. In haddii uu wax khilaaf ahi soo kala dhex galo ay labada xisbi si wada jira u xaliyaan 9. In si wada jir ah loola shaqeeyo guddida doorashooyinka qaranka iyo daneeyayayaasha doorashooyinka 10. In guddida wada jirka ah ee labada xisbi qaran ay anshax mariso cidii burisa mid ka mid ah qodobada heshiiska labada xisbi.
Salaanmedia/Hargeysa Office