Xisbiyada Qaranka Iyo Komishanka Doorashooyinka Oo Isku Isku Khilaafsan Diwaan Galinta Doorashooyinka Fooda Inagu Soo Haya

(SM:Hargaysa)    Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo Sadexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Wadani iyo UCID ayaa u balansan berri inay ka kulmaan sidii xal looga gaadhi lahaa laba Diiwaangelinood oo ay xukuumaddu madaxa isu galisay, kuwaas oo kala ah Diiwaangelinta Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

 

Kulan doraad loo balansanaa in ay dhinacyada ay khuseeyaan arrimaha Doorashooyinku yeeshaan ayaa baaqday kadib markii xilkii laga qaaday wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur oo qayb muhiim ah ka ahaa labadan hawlood ee la isa sudhay.

Khilaafka ka jira dhinacyada ayaa ah in Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ku hawlan yihiin sidii ay u samayn lahaayeen Diiwaangelinta Dadweynaha oo ay wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose iska kaashanayaan si loo helo tirade rasmiga ah ee Dadweynaha Somaliland, isla markaana dadku u noqdaan kuwo la ogyahay dhamaantood.

 

Hase yeeshee labada Xisbi Mucaarad ee Wadani iyo UCID ayaa ka midaysan in la sameeyo Diiwaangelintii Doorashooyinka soo socda, iyagoo ku adkaysanaya in aan la qaban doorasho danbe ilaa la helo Diiwaangelin rasmi ah.

 

Dhinaca Komishanka Doorashooyinka ayaan la ogayn mawqifka ay ka taagan yihiin xiligana, wallow ay hore u cadeeyeen in la qabto Diiwaangelin, iyagoo Doorashadii hore ku balanqaaday in doorashooyinka danbe lagu geli doono Diiwaangelin.

 

Si kasta ha ahaatee kulanka loo balansanyahay ee arrinta Diiwaangelinta oo ka dhici doona Xarunta Komishanka Doorashooyinka beri oo salaasa Ah  ayaa la dhawrayaa waxa ka soo baxa.

Salaanmedia/Hargaysa