Xukuumada Kulmiye oo 22 sano ka dib caasimadii Somaliland ee Hargaysa u badashay casimada labad ee Somaliwayn, by , xidhiidhiya guud ee xisbiga Waddani ee north America, Saleebaan Cali Bille.

0

 

 

 

 

 

Waxa  ayaan daro  ah in manta   wufuudii  metalayay  wadankeena Somaliland ee ka qayb galay shirkii u danbeeyay ee wada hadalka Somaliland iyo Somaliya ee ka qabsoomay dalka Turkiga in ay  soo hooyeen qodobo  guul daro iyo dhabar jab ku noqon doona Somaliland  dadaalkii dheeraa ee muwaa diliinta rer somaliland ay  mudada 22ka Sano ah  u soo  dhabar adaygeen  ee ay caalamka  ka rajicinayeen in ay aqoonsadaan oo helaan aqoonisi dhamays tiran.

 
hadaba waxa  is waydiin mudan in ay  muwaadiilinta reer somaliland is waydiiyan ?, ma suurta galbaa manta in  laysu furo isu socodka madaxada iyo shaqaalaha  somaliland iyo somaliya,
 oo maanta xafiiskii ugu horeeyay ee  ay  gudi farsamo oo ka kala socda somaliwayn iyo somaliland ay xukuumada  kulmiye  ku balan qaday in ay ka furayso casimada hargaysa  oo ay   si wada jira u wada fadhiisan doonana  labada gudi, ugana wada shaqayn geli doonan,
Hadaba  waxaynu ognahay in ay inoo shegeen waftidii inooga qayb gashay  shirkii wada hadalka  somaliland iyo somaliya  in la qatay qodob ah .
 
1.  In  hawada somaliya oo dhan laga maamulo  magalada  Hargaysa oo xafiis looga furo oo ay ka wada shaqeyan  gudi farsamo  oo kasoo kala jeeda  somaliway iyo somaliland  oo ay wada fadhiistan xafiiska iyaga oo mid qudha ah shaqa qudhana wada haya ?
 
Hadaba waxa is way diin mudan oo su aashu  tahay ?
 
1, Ma jiraan  aduunka laba dal oo hawadooda xafiis qudha laga wada maamulaa?
 
Jawaabtu waa  maya  kama dhacdo aduun waynaa
  
2, Ma  jiraan dal,  dal kale  hawadiisa  odhaya  casimadiina ka soo mamula oo xafiis uga soo fura? 
 
Jawaabtu waa maya  majiro kamana dhacado aduunka
 
3,Gudida farsamada ee  ka socota somaliway,  maxay kuu aqoonsanyiin ,maxay se  marka ay hargaysa  u soo shaqa tagayaan u aqoon san yiin ,magalada haragaysa?
  .
Macasimadii Somaliland   mise    casimadii labaad ee Somaliway.?
 
Hadaba waxanu  wada og soonahay in ay rer somaliya  aamin san yihiin in aad kamid tahay oo ay somaliway mid qudha tahay.  waxayna u oqoon sanyiin marka ay u soo shaqa tagayan in ay joogan casimadii labad  oo somaliwayn oo haragaysa ah
 
Hadaba  waxanu cabaraynaynaa   xukuumada  kulmiye oo aan ka fiirsan cida  ay  u diranayso  hawlaha qaran ee ay masuulka uga yiihiin umada rer somaliland ,
 
Waxanan kula talinayana  xukuumadu in  ay tala qaran oo loo dhan yahay ka yeelato arima qaranimada somaliland lagaga hadalayo oo ay   ka qayb galiso  xisbiyada qaranka iyo goloyaasha qaranka iyo aqoonyahanka rer somaliland, ee  aqoonta dheradka u leh ,
 oo anay  iska dirin  inamo  yar yar oo aan  aqoon ku filan oo siyasadeed iyo waya aragnimo  midna lahay ,
 
Shacbiga rer somaliland waxan kula talinayana in ay meel adag ka is tagan gooni isutaaga somaliland wixii wiiqaya oo aan cidna  ku gorgortami karin,  iyo in ay muwaadiliinta rer somaliland  la socodaan talabooyinka  wiiqaya  gooni isutaaga somaliland ee xukuumadu ku talab sanayaso  ee inoo wada  muuqda , shacbiguna ha ogado wax la iibinayaa waa dalkiini ee waa in aad ka hadashaan arimaha noocan oo kala aha,
 oo   dhabajab ku noqonaya  gooni isu taga somaliland iyo himiladii aynu lahayn ee jiritaankeena
,waxan kaloo ka codsanayaa in muwadiliinta rer somaliland garab istagaan xisbiyada mucaradka ah ee ku ilaalinaya xukuumadu in anay la lumin  masuuliyada dalka  ee loo idmaday 
 
xidhiidhiyaha guud ee north america ee xisbiga  waddani 
salebaan cali bille