Xukuumadda Somaliland Oo Qodob-qodob u soo Bandhigtay waxqabadkeedii sadexda sano

 

Hargeysa(SM)- Xukuumadda Somaliland ee talada dalka haysa ayaa saddex jirsatay maalintii Sabtida ee 27-kii bishan July oo noqonaysa sannad-guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay markii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu xilka hogaaminta qaranka la wareegay 27 July 2010-kii.

Xukuumadda Somaliland ayaa saddexdii sannadood ee la soo dhaafay hirgelisay qodobo badan oo ka mid ah ballan-qaadkii Madaxweyne Siilaanyo ku galay ololihii doorashada madaxtinimada. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa soo bandhigay waxqabadkii kala dambeeyay ee Xukuumaddu saddexdaas sannadood hirgelisay, isagoo qodobeeyay sidii ay u kala muhiimsanaayeen. Khudbad dheer oo uu afhayeenku u akhriyay warbaahinta kala duwan ayuu ku sheegay hirgelinta qorsheyaashii Madaxweyne Siilaanyo ee xilligii ololaha doorashada.

Khudbadiisa oo aad u dheerayd waxay u dhignayd sidan:- “Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu hogaanka qaranka ku bilaabay qorsheyaal iyo istaraatijiyad ay ka dhalatay in masuuliyada iyo hawlaha qaranku ay ku dhaqaaqaan si xawli ah oo kor u qaaday haybadii iyo haykalkii dawladnimo, waxa laga maarmaan ahayd in miisaanka la saaro mudnaanta hawlaha qaranku sida ay u kala horeeyeen. Adkaynta nabadgelyada iyo xoojinteeda ayaa guud ahaanba waxay ahayd mid aad iyo aad loogu baahnaa, waxa soo raacayay siyaasadda arrimaha dibedda waxay ahaayeen qodobo muhiim ah oo aasaas u ahaa hagaajintoodu ama kuwa ka markhaati kacaya in qaddiyada Somaliland ay hesho garawshiyo ka yimaada beesha caalamka, waayo nabadgelyada guud oo yeelata saldhig adag waa cabirka iyo halbeega ay ku dhaqaaqdo hawl kasta iyo dhisme kasta oo horumarineed.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay markiiba ku dhawaaqday inay dhamaynayso goobihii xaga nabadgelyada uu dareenku ka jiray gaar ahaana deegaanka Ceel-bardaale oo labadii dhinac ay xukuumaddu ay isku keentay kuna dhamaysay is-afgarad. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu deegaannada bari gaar ahaan Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle ayuu u fidiyay gogol nabadeed, gogoshaasi nabadeed waxay dhalisay inay shacabka reer Somaliland ee deegaanadaasi ay marar badan isu yimaadeen kulamo nabadeed, kuwaasoo aakhirkiina keenay in xataa jabhadii SSC wada hadalo ay xukuumadda wada yeesheen ka dib uu hogaamiyahoodii uu ka mid yahay xubnaha golaha wasiirrada. Waxa kale oo aad la socotaan dhawaanahanba in ciidamo xoog leh oo ka yimi Khaatumo ay halkan yimaadeen, kuwaasoo Somaliland ay kusoo dhaweynayso nabada iyo dadkooda wax la qabtaan. Qodobk kale ee halbawlaha u ah muuqaalka qaranka waxa uu ahaa siyaasadda arrimaha dibada oo u baahnaa in si mug leh oo wax ka bedel iyo nidaam leh loo waajaho, waxaynu dhamaanteenu aynu ka war qabnaa in siyaasadda arimaha dibada ee Somaliland ay muddo dheer ay ku socotay, kuna dhaqmayeen xukuumaddihii kala dambeeyay ee dalka soo maray jiho keliya oo ahayd in gooni laga ahaado ka qayb qaadashada meel kasta oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaalida oo beesha caalamkuna ay ku sugan tahay inaan la tagin, runtii waxay ahayd wax muddo lagu soo dhaqmayay, taasoo dhinacyo badan saamayn inagaga lahayd.

Haddaba Madaxweynaha Somaliland waxa uu dejiyay qorsheyaal siyaasaddeed oo wax lagaga bedelayo siyaasadda qaran ee arrimaha dibada, taasoo ku salaysnayd aragti ah in gole kasta iyo shir kasta oo qaddiyadeena aynu ku sharaxi karno aynu ka qaybgalno, si aynu u kasbano garawshiyo qaddiyadeena saacida ama garab. Waxay ahayd 23-kii February 2012, markii ugu horeysay ee ay Somaliland ka qaybgashay oo ay fadhiyaan Soomaalidu iyo wadamo kale oo ka socda beesha caalamka.

Shirkaas oo aynu ku tagnay meeqaam dawladeed waxa uu keenay inay ka dhalato natiijo wanaagsan oo qaban-qaabiyeyaashii shirkaas oo ay kaw ka tahay dawladda Ingiriisku qodobadii kasoo baxay shirkaas si cad gaar ahaana qodobkiisii lixaad ay ku cadayd in dawladda Somaliland iyo dawladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya wakhtigaas ka jirtay dalkaas ay bilaabaan wada-hadalo ay kaga tashanayaan mustaqbalkooda siyaasaddeed sidii ay ugu kala bixi lahaayeen, waxaanay taasi ku timi aragtidii Madaxweynaha Somaliland uu la yimi iyo gacan siintii goleyaasha qaranka, axsaabta siyaasadda iyo shacabka reer Somaliland.

Shirarkii lagu gudagalay wada-hadaladaasi waxay ka dhaceen Imaaraadka Carabka, laba jeer oo Turkiga la iskugu tagey intuba Somaliland guul ayay u ahayd. Siyaasaddaasi waxay ku dhisnayd in cidkasta iyo xaalad kasta oo Somaliland ay ku bandhigi karto qaddiyadeeda inay samayso oo ay ku bandhigto. Dhinaca kale waxa taasi barbar socday socdaallo dhawr oo diblomaasiyadeed oo Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminayaa ay ku tageen wadamada Itoobiya, Ingiriiska, Turkiga, Maraykanka, Kenya, Shiinaha, Koonfurta Suudaan, Imaaraadka Carabta iyo Kuwayt, socdaaladaasi uu Madaxweynaha Somaliland uu ku tagey wadamadaasi ujeedadu waxay ahayd in laga dhaadhiciyo oo loo sharaxo wadamadaasi qaddiyada Somaliland, waxaad ogsoon tihiin in markii dambe Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya mar uu la hadlayay baarlamaanka dalkaasi inuu si cad u sheegay in Itoobiya ay garab taagan tahay Somaliland. Runtii may ahayn arrin iska timi, laakiin waxay ku timi dedaal dheer.

Xukuumadda Madaxweynaha Siilaanyo muddadii saddexda sanno ahayd ee masuuliyadaas ay u doorteen shacabku ay hayeen, shacabku waxay ka heleen filashadii iyo rejadii ay ka qabeen hogaamiye ay waayo-ragnimadiisa iyo aqoontiisaba ay ku qanacsanaayeen. Madaxweynaha Somaliland oo og dareenka ay shacabkiisu ka qabaan waxa uu si wayn uga fikiray dhaqaajinta wadan u baahan wax ka qabashada dhinac walba, wadan u baahan in la meel mariyo himiladiisa qaran, wada u baahan inuu yeesho aragti siyaasadeed oo macaamil dhab ah leh oo nabad iyo xasilooni ku dhisan. Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay suurogelisay muddadii saddexda sanno ahayd ee a xilka haysay wax qabad balaadhan oo saameeyay ama la gaadhsiiyay ilaa heer tuulo, waxqabadkaas waxa ka mid ahaa dhismeyaal iyo qurxin lagu sameeyay madaxtooyada Somaliland. Waxa kale oo la keenay idaacad wayn oo dalka iyo dibada wada gaadha, waxa xusid mudan Telefishanka qaranka oo baahintiisu ay koobnayd in xukuumaddu markii ay timi la gaadhsiiyay Yurub, Australia iyo Waqooyiga Maraykanka. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu furay idaacad FM ah oo uu ka baxayo Qur’aanka Kariimka ah.

Waxa kale oo lagu sameeyay Wasaaradda Maaliyada oo muhimad wayn qaranka ugu fadhida qawaaniinta maaliyada, waxa kale oo la sameeyay siyaasadda miisaaniyada qaranka, waxa la habeeyay goobaha dakhli soo saarka, si kor loogu qaado dakhliga dawlada, waxa la kordhiyay in mushaharka 100% , magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa laga bedelay lacagtii giinbaarta ahayd, waxa bilaash laga dhigay guud ahaan dugsiyada hoose dhexe.”

 Salaanmedia/Hargaysa