BARNAAMIJ SOOSAARAYAASHA TVGA QARANKA OO FASHILAY QORSHE MAAREEYUHU DOONAYEY INUU SHAQADA KAGA CAYDHIYO

Buraale

Hargeysa (SM)-Waxa si isdaba jooga u socda qorshe shaqooyin lo

ogu banaynayo shakhsiyaad uu danaynayo Maareeyaha guud ee Telefishanka Qaranka Somaliland.
Telefishanka Qaranka Somaliand ayaa tan iyo intii loo soo magacaabay Maareeyaha haatanMaamula ee lagu Magacaabo Khadar Xasan Cali Gaas ayaa waxa soo baxaya Waxyaabo, aan hore loogu arag Masuuliyiinta Xukumadda, gaar ahaan Maamuladii kala dambeeyey ee soo maray Telefishanka Qaranka Somaliland.

Shaqaalaha ka hawl gala Telefishanka Qaranka ee rasmiga ka ah ama u diiwaangashanHay,adda shaqaalaha dawlada, ayaa badi walaac wayn ka muujiyey Maareeyaha Telefishanka Qaranka khadar cali gaas,ka dib markii ay

ka war heleen in uu mudadii uu joogay uu ku soo kordhiyey ku dhawaad 20 qof oo shaqaale ah.kuwaasi oo dhamaantoodba ah shaqaale ku meel gaadh ah oo u shaqeeya maareeyaha, islamarkaana aan ka diiwaan gashanayn Hay’ada Shaqaalaha Dawlada oo ay ugu jirto Wasaarada Warfaafintu in ay ka mid tahay Wasaaradaha Shaqaalahoodu ay ku filan yihiin.Waxana xogaha soo baxayaa qaarkood sheegayaan in ay qabtaan shaqooyin ka baxsan ta ay ku Magacaabanyihiin.Kuwaasi oo la mid ah Hab-dhaqankii Xukuumadii Kaligii Taliyihihii Maxamed Siyaad Barre.
Shaqaalaha wasaaradda warfaafinta oo ah ku wa ku filan waaxyaha ay ka kooban tahay wasaarada warfaafinta ee tvga idaacada iyo wargayska

dawan,hadana lama qabaan waaxyaha kale ee idaacada iyo wargayska dawan oo toos u hoos taga wasiirka wasaaradda warfaafinta oo si wayn ay ugu farxeen dhamaan shaqaalaha wasaaradaasi markii loo soo magacaabay Wasiir C/laahi Maxed Daahir (Cukuse), laakiin telefishanka qaran ka oo ka madax banaan maamulka wasaaradda, waxa ka jira cabashooyin xaddhaaf ah oo badi shaqaalaha tvga qaranku ka muujiyeen hab,dhaqanka iyo maamulka

maareeyaha oo tacadiyo ka dhan ah shuruucda shaqaalaha kula kacay shaqaale tiro badan oo dibada ka jooga shaqadoodii,ka dib markii maareeyuhu waraaqo uu shaqada kaga joojinayo ugu dhiibay ciidmada amniga ee wasaaradda kun

a amray in aanay gabi ahaanba fooda soo galin Karin Dhismaha Wasaaradu ku taalo.
Ilaa imika ma jiraan sababo loo cuskanayo shaqaalaha laga joojiyey shaqooyinkooda, iyadoo ay daba socoto shaqaale cusub oo si isdaba jooga
ah loo keeno tvga qaranka.
Hadaba markii aanu ku samaynay dabagal iyo baadhitaan Arimahan ayaa

waxa illo xogogaal ahi noo xaqiijiyeen in ay ka dambeeyeen qaarka mid ah shaqaalaha la socday maareeyaha oo u jooga tv ga inay dhagadhageeyaan xanta shaqaalaha iyo cidii dhaliisha maareeyaha telefishanka, qaranka,ama hadalo tallo iyo toosin ah ka soo dhex jeediya shaqaaluhu markay

sheekaysanyaan,

Sidoo kale xogoha cadaynaya in uu Maareeye Khadar Cali Gaas ku hawlan yahay sidii uu meesha uga saari lahaa shaqaalaha rasmiga ah ee Tvga Qaranka, in uu laba bilood ka hor qoray waraaq shaqo ka caydhin ah oo uu ku eryey Wariye Abiib Iimaan Xasan. Arintaasi ayaa abuurtay qaylo , iyo buuq xoog leh oo sababtay in uu wasiirkii wakhtigaa joogay wasaarada warfaafinta AbiibDiiriye, Ganafka ku dhuftay talaabadaasi kuna tilmaamay talaabo aanu awood u lahayn maareeyuhu,sidaasina ay ku fashilantay isku daygii qaawanaa ee maareeyuhu ku weeraray Wariyahaasi Ruug Cadaaga ah.

La soco qaybta labaad iyo fashilaadii ka dhacday kulankii barnaamij soo saarayaasha tvga qranka iyo maareeyaha tvga qaran ka oo aanu idiin soo gubdin doono iyadoo cod iyo qoraalba ah

 

Abdirahman Muhumed Muse(buraale)

Hargeisa