
“Nooma Muuqato sabab nagu qasbaysa inaan niraahno weerarro naglu soo qaaday ayaan u joojinaynaa gargaarkii bani’aadamnimo ee aan Soomaaliya ka bixinno. Howsha gargaarka waan sii wadaynaa maadama xaaladda amni ee dalka ay tahay si soo wanaagsanaanaysa, tan iyo markii weerarka lagu qaaday qunsuliyaddeenna,” ayay yiraahdeen saraakiisha Turkiga ah oo la hadlay wargeyska Hürriyet Daily News ee kasoo baxa dalka Turkiga.
Dalka Turkiga hay’ado fara badan oo kuwa gargaarka ah iyo shaqaale samafal ayaa kaga sugan Soomaaliya, kuwaasoo ka shaqeeya arrimo ay ka mid yihiin dib u dhiska isbitaalladii burburay, iskuullada iyo caawinta caruurta agoonta ah.
“Inkastoo howlaha samafalka ay hoos u dhaceen markii la weeraray xarun taabacsan safaaraddeenna Soomaaliya, haddana dib ayaan u billownay, waana mid naga go’an inaan howlaha samafalka sii wadno,” ayay saraakiishu hadalkooda ku dareen.
Xarakada Al-shabaab oo sheegatay weerarkii lagu dilay sarkaal ka mid ahaa kuwa safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa haddana waxay Turkiga ku eedeysay inay u adeegayaan reer galbeedka, iyadoo ugu baaqay inay isaga baxaan Soomaaliya, haddii kale ay weerarro la kulmi doonaan.
Dowladda Turkiga ayaa billowday ololaha ay ku caawinayso Soomaaliya 2011 markaasoo uu Muqdisho tagay ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdoga oo ay la socdaan wasiirro iyo qoyskiisa.
Shirkadda diyaaradda Turkish Airlines ayaa waxay ahayd shirkaddii caalmi ah oo ugu horreysay oo ka howl billowday Soomaaliya 20-sano oo colaado ah kaddib, waxaana garoonka diyaaradaha dhawaan lagu wareejiyay shirkad Turki ah oo dib u dhis iyo casriyeyn ku sameyn doonta.
Salaanmedia/Hargaysa
Xigasho hiiraan