2 Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Dalka Australia ka Yaabiyay Muran Badana Ka Dhashay Waxay Sameeyeen, (Video + Warbixin) Aug 15, 2013 – jawaab

Laba dhalinyaro oo qaxooti Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inay ku fureen dalka Australia leyn cusub oo qaxootinimo oo dalkaas lagu gali karo arintaas oo dhalisay muran iyo is qabqabsi u dhexeeya madaxda dalkaas oo ku saabsan sidii loogu hor tagi lahaa inay wadadaasi ay noqoto meel ay dalkaas kaga soo qulqulaan qaxooti faro badan.

Laba dhalinyaro ah oo qaxooti Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay inay dhawaantaan ay dalkaas Australia ay ku galeen qaxootinmo ka dib markii ay jeexeen ama ay daah furaan khadd cusub oo aan horey qaxootinimo loogu galin dalkaas arintaas oo madaxda iyo shacabka dalka Australlia ku beertay wel wel iyo walaac baaxad weyn islamarkaana dhalisay muran weyn oo u dhexeeya xisbiyada dalkaas, Labadaan nin ee qaxootiga Soomaalida ah oo dhawaantaan galay dalkaas Australia ayaa waxay ka soo gudbeen oo ayna doon ka soo raaceen dalka Papua New Guinea iyagoo ka dibna ka soo degay jasiirada Boigu Island oo ka tirsan gobolka Queensland ee dalkaas Australia, Laakiin dhalinyaradaas oo qaxaatinimo isku dhiibay ayaa waxay arintaas keentay qeylo dhaan ka soo yeertay madada dalka Australia iyadoona sida uu sheegay ra’iisal wasaaraha Queensland ninka lagu magacaabo Campbell Newman in ragaan cusub ay ku fureen wado hor leh oo ayna dhici karto inay hada ka dib ay noqoto meel ay kaga soo qulqulaan qaxootiga dalkaas Australia hadaan si deg deg ah aan wax looga qaban arintaas.


Ugu dambeyntiina iyadoo dhalinyaradaan Soomaalida loo soo direy diyaarad qaas ah ka dibna loo duuliyey xerooyinka qaxootiga la xabiso ee ku yaala magaalada Cairns eed alkaas Australia ayaa waxay wararku sheegayaan in qaxootigaas Soomaaliyeed si dhaqso ah dib loogu celin doono dalkaas Papua New Guinea ee ay markii horeba ka yimaadeen, Madaxda dalkaas Australia oo ay arintaan ka dhex abuurtay muran iyo is qabqabsi ayaa waxay hada raadinayaan xal in loo helo arintaas iyadoona ay islamarkiiba soo jeediyeen qaar badan oo ka mid ah madaxdaas arimo lagu xalinaayo inuu qaxooti dambe uu ka soo galo dalkaas leynkaas cusub ee ay daah furaan qaxootigaas Soomaaliyeed.