Agaasimaha HCTV oo Ka Hadlay Weriyahoodii Saylac oo RRU-du Jidh-dileen Xabsigana Dhigeen

Saylac (SM)- Ciidammada RRU-da ee Magaalada Saylac ee xarunta gobolkaasi ayaa shalay Xabsiga y Taxaabay Weriyihiii Telefishanka Horn Cable  gobolkaasi  Maxamed Cawaale Daahir,   sida uu xaqiijiyey  Agaasimaha guud ee HCTV Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) sheegay in Weriyahan Ciidammada Ammaanku Xidheen isaga oo ku guda jira hawl-maalmeedkisiii shaqo.  Agaasime Ilig ayaa ku baaqay in xorriyadiisii loo soo celiyo Weriyahooda oo uu sheegay inaanu wax gef ah ku jirin markii la qabtay.  Dhinaca kale weriye Maxamed Cawaale Daahir ayaa la sheegay in Ciidammadu gaadhsiiyeen Jugo, isla markaana la gaadhsiiyey  jidh dil.

ilig1

Agaasimaha Telefishanka HCTV Maxamed Cabdi Ilig oo xalay arrintaasi  uga warramay Weriye Saddaam Maxamed Axmed ayaa waxa uu yidhi, Waxaa uu ugu horeyn ka hadlay Qaabka wariyaha loo xidhay waxa uu yidhi “ Maanta  (shalay)  Abaaro 01:30pm maalinimo ayaa Wariye Maxamed Cawaale isaga oo ku guda jiro  waajibaadkiisa shaqo isla markaana duubayey barnaamijyo la xidhiidha  hawlaha Xubana Golaha Guutidu ay u tageen Deegaanka Xariirad, Wariyaha ayaa isku dayey inuu la xidhiidho Mudanayaasha halkaasi ku sugan,  Ciidammada Booliska ayaa arrintaasi ka hor istaagay, Wariyahana gacan u qaaday, Suxufiga iyo Ciidanka muran ayaa dhex maray, taasina waxay  keentay ina Garaacaan Boolisku wariyaha oo Qori dabadii ayaa lala dhacay sida aanu wararka ku helay, dhaawacyo ayuu dhabarka la qabaa.”

sidaa ayuu yidhi Agaasime Ilig, waxaanu intaa ku daray  “ Markii dambe Wariyaha Xabsiga ayaa loo taxaabay, ilaa hadda wuu xidhan  yahay sidaan wararkii ugu dambaayey ku hayo, Masuuliyiinta Xukuumada waan isku dayey inaan arrinkiisa kala hadlo balse iima ay suuro galin,  waxa aan Xukuumadda ku boorrimayaa in Wariyahaasi Xorriaydiisa loo soo  celiyo, waxa kale oo aan cadaynayaa in wariye Shaqadiisu ku gudo jira in  lagu Xad-gudbo oo la Garaaco oo la xidho inay tahay wax ka baxsan  Shuruucda dalka.” Ayuu yidhi Agaasime Maxamed Cabdi Sheekh. Ugu dambayntii Agaasime Maxamed Ilig ayaa Masuuliyiinta Xukuumadda  Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in Xoriyadiisa loo soo celiyo wariyahaasi maanta lagu xidhay Magaalada Saylac ee Gobolka Xeebta ah ee  Salal.

 

Salaanmedia/Hargaysa