Banaanbax Lagu Taageerayay Turkiga Oo Maanta Muqdisho Ka Dhacay (Daawo Sawiro)

Aug 1,2013 Muqdisho(SM) Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayay holwha mashaariiceed ee Dowladda Turkiga ka wati magaalada Muqdisho, loogana soo horjeeday weerarkii dhawaan lagu qaday xarun ay ku sugnaayeen shaqaalaha Safaarada Turkiga ayaa maanta ka dhacay barxada Taallada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere.

Bannaanbaxan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobalka Banadir ahna Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Nuur Tarxan, Kuxigeenkiisa dhinaca maaliyada Iimaan Nuur Iikar iyo xubno kale oo maamulka gobolka ka tirsa,

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Maamulka iyo Maaliyada Iimaan Nuur Iikar ayaa sheegay in weerarka Turkiga laga qaaday ujeedkiisa yahay in magaalada Muqdisho dib loogu celiyo dhibaatadii ay soo martay.

“Muqdisho inkastoo dayacaad badan ay ku jirtay markii ay Turkiga ay dhaheen waa dhiseynaa, Isbitaal kan ugu casrisan ayaa ka dhiseyna waxaa la isku dayay in la weeraro, safaaradoodii waxay ku dhiiratay in magaalada Muqdisho soo gasho, balse ujeedada ma ahan Turkiga ee waa shacabka ayuu weerarka ku socdaa, magaaladan dagaal aan qarsooneyn ayaa lagula jiraa”ayuu yiri Iimaan Nuur Iikar.

Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa magaalada Maxamuud Axmad Nuur Tarsan ayaa sheegay in sababta qaska iyo qaraxyada looga fulinayo Muqdisho iney tahay maxay Muqdisho u hormareysaa, isla markaana fowdadaasi ay salka ku hayso siyaasad.

“Ha la ogaado waxa lagu mataanoobay ee Shabaab iyo Siyaasad isu keeney waa Muqdisho maxay u dhismeysaa, halkee ka timid colaada Turkiga loo haayo, arrintaas waa siyaasad”ayuu si kulul u yiri Gudoomiye Tarsan.

Aarrinta laga mataanoobay ee Cali Dheere iyo Godane iyo siyaasiyiinta ku jirta arrinta ee fanka kula jirta, hubka soo dhiibeysa ee jidadka soo marsiineysa, ee guryahooda dhigeysa ee qarineysa, ilaa meeshii laga qarxinayay u ilaalineysa waxay ka mideysan yihiin magaalada muqdisho maxaa looga shaqeynaya, maxay shacabka Muqdisho u nool yihiin”ayuu yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Wuxuu sheegay Tarsan in ay jiraan shaqsiyaad doonayo in Muqdisho ay ku laabato mugdigii laga soo gudbay, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay si cad ugu horyimaadaan kooxahaasi.

Hadalka tarsan wuxuu imaanayaa xili amaanka caasimada Muqdisho uu u muuqdo mid faraha kasoo baxaya, kadib qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo maalmahan si xowli ah ugu dhacayay

Salaanmedia/Muqdisho