Breaking News…Kulankii Madaxweynaha Somaliland iyo Gudida wada tashiga ayaa ku dhamaaday guul daro

newsflash1

Hargaysa(SM)– Kulan caawa afurkii ka dib ka dhacay xarunta madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa oo dhex maray madaxweyne Siilaanyo iyo xubno wasiiradiisa ah oo dhinac ah iyo golaha madaxa bannaan ee wada tashiga iyo toosinta Somaliland ayaa gebi ahaanba kulankaasi ku dhamaaday buuq, sawaxan, iyo xaaladda oo gaadhay in gacmaha la iskula tago ka dib markii wada hadalku ku bilaabmay jawi qalafsan oo labada dhinacba ay hadalo taag taagan isku weerareen

.

Wallow kulanka aanay warbaahinta Somaliland goob-joog ka ahayn, haddana warar xogogaal ah ayaa tibaaxaya in hadalku ka xumaaday madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, iyo Afhayeenka golaha wada tashiga iyo toosinta Ibraahim Xuseen Dhegoweyne, iyadoo sida warku   ku hellayso ay xubnaha golaha wada tashigu isla markii uu wada hadalku furmayba ay ku bilaabeen inuu madaxweynahu jawaab ka bixiyo 16 qodob oo ay hore usoo bandhigeen, balse madaxweyne Siilaanyo hadalo cadho leh kaga jawaabay.

Kulankani oo ay dhex dhexaadintiisa iyo lad-qabadiisa galleen salaadiinta Somaliland oo iskood isku xil-qaamay, ayaa sida xogta aanu hellayno waxaa dhinaca golaha wada tashiga kulanka uga qayb gallay guddoomiyaha golaha wada tashiga Xasan Guure Jaamac, Afhayeenka golaha wada tashiga Ibraahim Xuseen Dhegoweyne, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Saleeban Cali Koore iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo iyaguna xubno ka ah golaha, halka la sheegay inay dhinaca xukuumadda goob joog ka ahaayeen wasiiro ay ka mid yahiin arrimaha gudaha, madaxtooyada, arrimaha dibadda, warfaafinta, cadaaladda iyo xubno kale.

Kulankani caawa dhex maray labada dhinac ayaa tibaaxaya in xaaladdu gaadhay in gacmaha la iskula tago, isla markaana goobtii kulanku ka dhacaayey qaylo iyo sawaxan la isla kacay, iyadoo warkuna tibaaxayaan in goobta laf timirleh la isku tuuray.

Wararka ayaa  tibaaxaya in madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo uu xamili kari waayey dhaliilo toos ah oo xubnaha golaha wada tashigu ay kulanka ka jeedinayeen, ka dibna ay keentay inuu markii danbe madaxweynahu kelmado cadho leh ku bilaabo, taasi oo keentay in iyaguna ay kuwa la mid ah ku jawaabaan, kulanka ayaa xidhmay iyadoo weli goobtaasi qas iyo jahawareer ka taaganyahay.

Salaadiintii isku xil qaantay inay labada dhinac caawa isa soo hor fadhiisayaan, ayaa markii kulanku sida ku dhamaaday iyagu u xagliyey dhinaca xukuumadda, waxaana shir jaraa’id oo ay goor dhawayd qabteen cambaareeyeen golaha wada tashiga iyo toosinta, taasi oo meesha iyaduna ka saaraysa in salaadiintaasi sii wadaan dhex dhexaadintii hore isla markaana xogo madax banaani tilmaamayaan, in salaadiintaasi marka horaba dhex dhexaadintoodu aanay ahayn mid daacad ah ee ay ahayd hunguri ku raadis.

 

Salaanmedia/Hargaysa