Burco War Deg-Deg:Ciidamada RRU oo xalay gurigiisa ka Kaxaystay Shiikh Siciid Axmed Jaar iyo Xubno Kale oo Caruuri Ku Jirto

Burco-(SM)-Ciidamada Booliska ee RRU ayaa Caawa saqdii dhexe weerar Hubaysan ku soo qaaday Guriga uu ka deganyahay magaalada Burco Shiikh Siciid Axmed Jaar oo ka mid ah Ganacsatada Gobolka Togdheer waxaana ciidaankani oo tira badnaa ay wateen gadiid kor u dhaafaya toban gaadhi kuwaasi oo mar kaliya hurdada ka salaliyay dadweynaha faraqayna rasaas tiro badan oo cabsi galisay dadweynaha xaafadaasi.

 

Waxaanay ciidankani si xooga ugu daadeen hoyga uu deganaa sheikh siciid Axmed Jaar kuwaasi oo si xooga ugala soo baxay guriga ilaa haatana aan loo warhaynin meel ay u kaxaysteen wadaadkaasi.

 

Mudo gaadhaysa laba saacadood oo hawlgalkani socday waxay sidoo kale ciidanka RRU u daateen Guryo kale oo ka agdhaw aqalkani laga soo qabtay sheikh Siciid Axmed Jaar kuwaasi  oo ay kala baxeen caruur 3 oo uu dhalay wadaad dhawaan laga soo daaayay Xabsiga weyn ee Guantanama kuwaasi oo sida ay wararku sheegayaan ay waayeen wadaadkaas laf ahaantisii waxaana sidoo kale iyana jira xubno isugu jira wadaado iyo kuwa kaleba ay meelo kala duwan ka soo kala qabteen waxaanay caawa ay u noqotay dadwayanaha xaafadahaasi inayka  ladiwaayeen rasaasta iyo gaalabaxa ciidankani oo handadaad xoogan u gaysanayay cid walba oo ay qabtaan iyagoo wadooyinka gala xaafadaasna si weyn u xanibay.

 

Ilaa Haatan lama oga sababta rasmiga ah ee keentay hawlgalkani maahana markii ugu horaysay ee wadaadkani ay badh tilmaameed ka dhigtaan ciidanka Booliska ee Somaliland balse badhtamihii sanadkii 2009 ayaa hawlgal noocani oo kale ahi uu sababay khasaare dhaawac ka dib markii uu wadaadkani iska difaacay weerarkaasi ciidanka booliska waxaana garnaqsi dheer oo dhex maray xukuumada iyo wadaadkani uu ku soo gabagaboobay guul iyo is afgarad iyadoo xiligaasna guud ahaanba danbiyadii lagu haystay wadadkani lagu waayay .

 

Ugu Danbayntiina xaalada magaalada ayaa caawa si weyn looga dareemayaa dhaqdhaqaaqa xoogan ee ciidamada RRU wadaan  iyadoo haatana ay jiraan Goobo ay ciidamadaasi ku hareeraysanyihiin kuwaasi oo walwalweyn shacbiga ku abuuray.

 

Waxaanu wararkayaga danbe idiinku soo gudbindonaa arintaasi iyo wixii ka soo kordha.

booliska-somaliland

Salaanmedia/Burco

Xigasho..Oodweyne News