Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Cali gurey iyo Faysal cali waraaboow , Siiraanyo waa Siyaasi hibol alle siyay , doorasho walba iyo goobkastana ilaa SNM isaga ayey guushu ku raacdaa ee QIRO ama ha QIRANINA!

MAQAAL

Maxaa nin uun maqalay siyaasui baa la noqdaa .Waxa la yidhi hibo eebe ku soo siiyo habeen layskanma qaado , waxaad arkayasaa kolba mid been isagu sheekaynaya oo saxaafadau hodayaso , SIIRAANYO waa nin illahay hibo u soiiyay soiyaasada iyo hogaaminta , markaa ninankan Ku waashay odayga ee ka baxay xadakii karaamadau ha ogadaan  inanay midkoodna waligood idin xil ummadadeed ku aaminayn waxay madaxtinimada u yaqanaan mikirifoon yar oo wax lagu caayo REER HEBEL baa sidana iyo sidan ah HAYGA QOSLIN ma cali guray iyo ina cali waraabe dukaan shah ma u dhiibi lahayd  ; haddaba waa kan cali gurey oo miidu dhaqaaqday . Waa Muqdisho 1980/81, xilayadaas oo xaaladii kacaanka iyo guud ahaa Somalia ay si kale noqotay weji ama wejiyo kale na yeelatay waxa na sabab u ahaa arimihii dhacay daba yaaqada todobaataneeyada oo ay ugu muhiim sanaayeen dagaalkii lagu soo jebiyay ciidamadii Somalia iyo dhibaatooyinkii ka dhashay sida qaxootigii faraha badnaa, burburkii dhaqaale, dhibaatooyinkii dhinaca nabadgelyada ilaa isku daygii af gambigii dhicisoobay ee Cirro. Taliskii Siyaad Barre markaa xidhay dhoolihiisii iyo dabadi dheerayd. Qabyaaladii oo shaadh kacaan tolatay ayaa shaaraca u soo baxday, musuq maasuqii, eexdii iyo qaraabo kiilkii ayaa noqday wax aan la qarsan. Marka ay dib u milicsano xiliyadaasi tiihii iyo asqadii jirtay waxay marag cad u yihiin in dagaalkii 1977kii ay Somalia ku qaaday Itoobiya uu ku noqday taliskii Siyaad Barre bulawgii dhamaadkiisa
Xiliyadaa ay xaaladaasi jirtay ayaa dhawr wasiir oo ka tirsanaa golihii wasiirada ee wakhtigaasi, saaxiibo isu dhaw na ahi ay faq ku sheekaysteen. Mawduucu dabcan wax kale muu ahayn ee waxay ahayd xaaladda dalka iyo marxaladda uu ku jiro oo dabcan laga hilaadin karo halka uu ku socdo oo aan hadda inooga baahnaayn faahfaahin ka badan inta aynu soo sheegnay. Doodo iyo falanqaymo dheer ka dib wasiirada saaxiibada ahaa ee Siyaad Bare waxay ugu dambaystii ku soo gunaanadeen doodahoodii ” walaahi sidani si maaha in aynu sii eeganaa na waa inoo doqoniimo eh aan iska ogolaano dee doqoniimada”, talo kale ma jirto. Halkaa markuu xaalku marayo ayuu Axmed Silanyo oo isagu ah shakhsiga aan ka soo xigtay sheekadan kana mid ahaa wasiirada faqa ku sheekay sanayay yidhi” anigu doqoniimo waan ogolahay hadii se ay dhaafto oo khaayinnimo gaadho ku sugi maayo oo dad kayga khiyaamayn maayo beena u sheegi maayo”

Axmed Silanyo kumuu sii raagin xukuumadii uu wasiirka ka ahaa ee Siyaad Bare laba sanadood in ka yar na wuxu noqday mucaarid ka soo horjeeda, laakiin SNM iyo SSDF oo ahaa labada dhaqdhaqaaq ee mucaaridka ahaa xiligaasi midna kumuu biirin. Intii aanu SNM aanu gudoomiyaha ka noqon sanadkii 1984 ee uu London joogay waxa lagu tirin jiray koox la magac baxday ” Somalia First” oo u badnaa ragii kacaanka ka dhacay laakiin markii hore xilal sare ka soo qabtay sida Axmed Silanyo oo isugu jiray reer waqooyi iyo reer koonfureed ba.

Intii uu wasiirka ka ahaa xukuumadii kacaanka Axmed Silanyo wuxu ku sifoobay , intii hore oo dhan, firfir cooni, karti, dadaal iyo daacadnimo isaga oo si gaar ah loogu tilmaami jiray dhiiranaan ilaa iyo xad fikirkiisa iyo waxa uu qabo aanu kala gaban xataa Siyaad Barre oo ahaa coomir aan badiyaa runta lagu la dhici jirin. Silanyo wakhtigaasi waxa la odhan karaa wuxu marka ugu horeysa ahaa nin Somali ah marka xigtana reer waqooyi ah, halkaa na aan hoos uga degin, taas oo uu kaga duwaanaa Ismaciil Cali Abokor oo isagu ka mid ahaa saraakiishii af gembiga kula wareegtay xukunka 21/10/1969kii, muddo dheerna ka mid ahaa ragii Siyaad Bare ku barbar taagnaa inu xukunkiisu dhidibada aasto, hase ahaato goor dambe oo xeedhiyo fandhaal ka dhaceen ku soo ambabaray dareenkii saameeyay reer Sh. isaxaaq ee SNM ay ka dhalatay, Ismail iyo Cumar Carte na lagu xidhay iyadoo loo nisbaynayay inay ku lug lahaayeen arimahaa.

Markii ugu dambaysay ee Silanyo isaga oo wasiir ah uu Hargeisa soo gaadhay waxay ahayd badhtamihii 1981kii intii aan la xidhxidhin kooxdii UFO uu badankoodu ka mid ahaa ragii guriga shaqaalaha kula hadlay isaga iyo Ina laxwas waxa na xusud in jawaabta ay ka kala bixiyeen hadaladii cabashooyinka u badnaa ee reer hargeysa intii habeenkaa ka hadashay munaasibadaas, oo silanyo markaa ba u muuqday nin garwaaqsan xaqiiqada cabashooyinka goobta laga soo jeediyay. Munaasibada habeenkaasi waxa lagu tiriyaa inay ka mid tahay meelihii laga raacay kooxda UFO, ragii loogu hor xidhay na waxay ahayeen kuwii habeenkaa goobta ka hadlay iyo saaxibadood.

Runtii markii Silanyo iyo AHN Saaxiibkii Ibraahim Maygaag ay ka soo qayb galeen Shirwaynihii 4aad ee SNM oo lagu qabtay magaalada Jigjiga badhtamihii sanadkii 1984kii ujeedadoodu may ahayn inay si buuxda uga mid noqdaan SNM oo markaa fadhigeedu ahaa Itoobiya, hadii aanay go’aankaa qaadan ka hor intii aanay u soo ambabixin Itoobiya balse waxa hubaal ah Shirwaynaha na ay ka sheegeen in aanay ku soo talogelin inay wax xil ah ka qabtaan SNM iyo inay la sii joogaan marka shirwaynuhu dhamaado toona. Hadaba ” waa sua’aal da’ waynoo madaxa daalinayse eh” sidee ayuu hadana Axmed Silanyo ku noqday Gudoomiyaha SNM isaga oon weli goobtii dhinac na uga dhaqaaqin.

Ahmed Silanyo oo hore u cadeeyay in aanu SNM ku biiri doonin kuna sheegay inay tahay reer, inay runtii ahayd na laga, ayay hada na SNM noqotay ciddii ugu horeysay ee fursad iyo fursad kale ba u siisay inu hogaamiyo markii ugu horeysay sanadkii 1984kii markii isaga iyo Saaxiibkii AHN Ibrahim Maygaag ay ka soo qayb galeen Shirwaynihii 4aad ee SNM oo lagu qabtay Jigjiga waxa ay ahayd na in muddo laba sanadood ah uu hogaamiyo SNM oo ahaa run ahaan mucaaridka keliya ee hubaysnaa xiligaa ee dagaal kala soo horjeeday taliskii Siyaad Bare. SSDF oo ahaa mucaarid ka dhashay afgambigii dhicisoobay 1978kii. Laakiin SSDF oo hub iyo lacag ba uu Qadaafi si hagar la’aan ah ula daba joogay geedkaa way gaadhi kari wayday makii weerarkii Balan Balle iyo Goldogob ay gidaarka birta ah ka soo go’day na halkay badhi jiglaha ugu dhacday dib uga may soo kicin.

Axmed Silanyo sidu fursada hore 1984kii lama fahmi karo hadii marka hore aynaan wax yar dib ugu noqon xaaladii ururka SNM intii u dhaxaysay labada Shirwayne ee 3aad iyo 4aad oo ahayd muddo sanad ah. Shirwaynaha 3aad oo qabsoomay badhtamihii 1983 waxa aanu ahaa mid ka duwan labadii Shirwayne ee ka horeeyay. Ururka SNM wuxu markii ugu horeysay yeeshay Xeer uu ku dhaqmo ama dastuur qeexaya arimo dhawr ah sida, mabaadiida guud ee ururka, qaab dhismeedkiisa, waajibaadka iyo awoodaha iwm. Markii ugu horeysay ayuu ururku yeeshay Gole dhexe oo uga dhigan Sharci Dejin, wakiil na ka ah Shirwaynaha, oo ah haya’adda ugu saraysa ururka, inta u dhexaysa laba Shirwayne.

Shirwaynaha 3aad hogaanka ugu sareeya xisbiga oo ah gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen muu bedelin ee wuxu dib ugu doortay AHN labadooda ba Yussuf Ali Sh. Madar iyo Cumar Aden Wadaadiid, taas oo si gaar ah uga cadhaysiisay kooxda Calan casta loo yiqiin “Calan Cas” oo wakhtigaa ahayd kooxda ugu abaabulan aragti ahaana u jenjeedhay bidix, in kasta oo waayadii dambe Calan Cas ay noqotay koox aan ka tarjumaynin aragti gaar ah balse mucaaridnimo ku sifoobay.

Gudoomiye nimadii Sh. Yussuf iyo ku xigeen-nimadii Wadaad-diid midi na sii may riiq dheeraan Calan Cas na sidii kumay hadhin ee bishii November 1983 oo ah afar bilood oo keliya ka dib markii uu xidhmay Shirwaynihii 3aad ayaa magaalada jigjiga waxa lagu qabtay wax loo bixiyay ” mini-congress” oo sharci ahaan aan meelna kaga jirin Xeerkii ama dastuurkii ururka ee lagu ansixiyay Shirwaynaha. In kasta oo dastuurka SNM uu si cad u qeexayay in dhamaan xeerarka iyo go’ aamada kale ee ururka ee ka hor yimaada dastuurku ay waxba kama jiraan yihiin hadana go’aamadii shirkaa ka soo baxay waxay daaqadda ka tuureen gebi ahaan ba dastuurkii SNM gaar ahaan qaybihii ku abaarnaa qaab dhismeedka ururka iyo waajibaadka iyo awoodaha haya’daha iyo xilalka kala duwan. Waxa gebi ahaan ba meesha ka baxay gudoomiyihii iyo ku Xigeenkii lagu doortay Shirweynaha bedelkoodii na waxa soo galay gudoomiye iyo Xoghaye Guud oo lagu doortay waxa loogu yeedhay mini congress. Waxa kale oo meesha ka baxay xubnihii kale ee gudida fulinta marka laga reebo AHN eh Maxamed Xaashi( Lixle) oo ahaa xoghayaha Ciidanka Xoraynta oo ka hor intii aanu furmin Shirwaynihii 3aad ay saraakiisha milatariga ahi ay ku soo doorteen Xarshin. AHN gudoomiyaha cusub ee SNM waxa noqday AHN C/qaadir Koosaar halka Xasan Ciise Jaamac na uu noqday Xoghayaha Guud.

Si kasta ba xaalku ha ahaado eh kooxdii Calan Cas oo markii hore u arkay say is bedelka cusub guul iyaga u soo hoyatay hadana sidii ay moodayeen may noqon. Guusha ay tirsan karayeen ee keli ah waxay ahayd in meesha uu ka baxo hogaankii Wadaadadu balse waxay ku qaldameen Gudoomiyihii cusbaa C/qaadir koosaar oo markii hore ay tirsanayeen lakiin aan noqon sidii ay moodayeen, sidaa daraadeed na ay weerarkii ugu cuslaa ku qaadeen sadex bilood oo keliya markii uu xilka hayay ilaa ay dhulka soo dhigeen na aan ka hadhin. Dagaalkii Gudoomiyaha iyo mucaaridka ay hormoodka ka ahaayeen kooxda Calan Castu wuxu ku fiday Golihii Dhexe ee ururka waxa aanu bilaabay inu hoos u sii daadego oo gaadho talisyada iyo jiidaha hore ee colalka taas oo keentay in shir ay isugu yimaadaan masuuliyiinta colalka jiidaha hore kaas oo ka dhacay Kaam Abokor bilawgii sanadkii 1984kii kuna doorteen ” Gudida Dagaal-gelinta” oo gudoomiye C/Qaadir Koosaar na aqbalay isaga laftiisu na ansixiyay oo uu saxeexay magacaabista xubnaha gudida.

Markii la isugu yimi Shirwaynihii 4aad ee Jigjiga waxay ahayd mar kaadarkii aqoon yahan ka ee SNM kooxduu doono ama reerkuu doono ha noqdo eh cunaha la isku dhegan yahay oo aanu ku jirin mid keliya oo la isla ogolaan karo in loo doorto hogaanka ugu sareeya ee ururka. Taas ayaa fursad u noqotay Axmed Silanyo waayo, sidii caadada u ahayd, waxa qasab noqotay in la helo qof cusub mar hadii intii wada joogtay ee hormoodka u ahayd SNM aanu midna kan kale u ogolayn inu noqdo gudoomiye.

HADADABA ADIGA iyo ina cali waraabe hadaa ummada ka soo hdhaan cid idin dooranaysaa  ma jirto , waayo dinka ayaa u baahan inla caawiyo.

Cali xaamud




Leave a Reply