Cali Gurey iyo WAAHEEN oo ay XIRSI kaga dhegtay , tolow maxay ka rabaan!

Wasiir-xirsi

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa been aan sal iyo raadtoona lahayn ku tilmaamay war uu baahiyay wargeyska WAAHEEN oo sheegayay inuu Gurri weyn oo ay lahayd Qarrammadda Midoobay qeybta qaabilsan la dagaalanka Ayaxa uu ka iibsaday xaafadda Pepsiga ee Magaaladda Hargeysa.

Wasiirka Madaxtooyadda oo aanu xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa waxba kama jiraan ku sifeeyay warkaasi, waxaanu ugu baaqay wargeyska WAAHEEN inay ka waantoobaan wararka been abuurka ah.

“Waa been aan sal iyo raadtoona lahayn, mana jiro wax Gurri ah oo aan iibsaday warkaas uu qoray WAAHEEN-na waxaan u arkaa mid ka mid ah wararka beenta ah ee ay iga baahiyeen,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirku waxa uu ku dar-daaray WAAHEEN inay iska daayaan wararka been abuurka ah ee ay ku dhaawacayaan karaamadda masuuliyiinta qaranka.

Dhanka kalena cali guray ayaa maalinwalba xirski ku caaya oo ku aflagadeeya FACEBOOKiisa markaa tolow maxay rabaan waaheen iyo Cali Gurey akhristayaal bal kasoo jawaaba

 

 

 

Cali dheere