Canbaarayn Falkii Waxashnimada Lahaa Ee Badhasaabka Awdal Kula Kacay Wariye Dabshid Oo Ka Tirsan Shabakada Cadceed News

Aug 30, 2013 Hargeysa(SM) – Kadib warar xogogaala oo iftiiminaya Ficilada qalafsan ee uu Gudoomiyahu kula kacay gobolka Awdal mudadii yarayd ee uu joogay kuna soo baxday mareergta wararka ee Cadceed.com, ayaa badhasaabkii gobolku bilaabay inuu hadana isticmaalo cududiisa gudoomiye nimo isagoo xabsiga u taxaabay Wariye ka tirsan wariyayaasha Cadceed.com, taasi oo cadaynaysa inuu la soo baxay shaadhkiisii labaad ee dictator nimada ahaa ee horeba loogaga soo eryay Burco.

Wariye Dabshid, ayaa laga dhex qabtay guriga martida ee Boorama oo uu ku sugnaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland isla markaana uu wariyaha iyo wariyaal kale hawl dhinaca warbaahinta ah ka wadeen. Lama cadayn sababta loo xidhay Wariyaha balse waxaa cad in wariyaha lala xidhiidhiyay maqaal horay loogu soo daabacay shabakada Cadceed.com oo aanu wariyuhu daabicin, taasoo badhasaabka Awdal la xidhiidhinaysay arrimo Musuqmaasuq, inkastoo muddo yar kadib loo soo celiyay wariyaha xoriyadiisa.

Bashasaabka Awdal ayaa isku dayaya inuu daboolo fadeexada xaqiiqda ku fadhida ee lagu soo daabacay shabakada, isagoo adeegsanaya Odayaal sheegtay inay yihiin Gudidii raashinka mucaawinada ee ceebtu dul hoganaysay.

Gudida abaaraha awdal waxaa u haboonayd inay ka jawaabaan lacagtii loo ururiyay abaaraha ee gaadhaysay ilaa boqolka kun ee doolar inay dadkii qaadhaankaas ku soo tabarucay uga war celiyaan siday ka yeeleen iyo qorshaha ay la damacsan yihiin inta ay difaacayaan raashinka mucaawinada ah ee Turkigu ku deeqay , waxaa muuqata in lacagtaas loogu talagalay dadkii abaaruhu naafeeyeen in ujeedadii loo soo diray laga leexiyay oo gudiddu aysan hayn wax qorshe ah oo cad sidaas darteed ay ka doorbideen in lacagtu iska taalo xawaalada Dahabshiil dadkii loo soo ururiyayna aynu shaashadaha ka arkayno iyagoo maalin kasta la qaylyaya gaajo iyo haraad darteed.

Waxaan Tallo ahaan u soo jeedin lahaa gudida abaaraha inay gutaan waajibaadka saaran oo ay la yimaadaan qorshe waxtar u leh dadkii lacagta loo ururiyay ee ay iska daayaan nacamlaynta sidii badhasaabkii taariikhda dheer ku lahaa gobolka awdal wakhtigii tawrada kacaanka ee Subeer Cabdikariim Boodhle.

Gabagabadii, waxaan leenahay gudoomiyaha gobolka Awdal ha ka waantoobo falkii foosha xumaa ee uu shalay kula kacay wariye dabshid, isla markaana dhawro xoriyatul qawlka.

Salaanmedia/Boorama