Ciidamada Booliska Oo Mujaahid Ibraahim Dhegawayne Iyo Shirkada Cusub Ee Kalluumaysiga Iska Hortaagay In Ay Xaflado Ku Qabsadaan Hotel Barwaaqo Ee Magalada Berbera.

RRU

Ciidamada Booliska Oo Mujaahid Ibraahim Dhegawayne Iyo Shirkada Cusub Ee Kalluumaysiga Iska Hortaagay In Ay Xaflado Ku Qabsadaan Hotel Barwaaqo Ee Magalada Berbera.

Berbera(SM)Aug.27,2013-Booliiska Gobolka Saaxil ayaa xalay  ka hor istaagay Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne iyo Shirkadda Pontus Marine kulamo iyo xaflado kala duwan oo ay ku qabsan lahaayeen hotelka Barwaaqo ee Magaaladda Berbera.

Ibraahim Dhagaweyne ayaa kulan balaadhan oo  uu doonayey Hotelka ku qabsado kaas oo uu kaga hadli lahaa Shirar u qorshaysan oo ay doonayaan in ay talada Dalka kaga arrinsadaan balse umay suurtogelin arrintaasi waxaanu gaaf-wareegayay agagaarka Hotelka ciidamo farabadan. sidoo kale shirkadda Pontus Marine kulan ay ku bandhigi lahayd Saamiyo ay Bulshada uga ururinayso shirkada Kaluumaysi oo ay dhawaan kaga dhawaaqeen magaaladda Hargeysa ayay arrintani saamaysay.

Kulankan oo ahaa kii sadexaad ee ay ku qabsan lahayd Dalka gudihiisa oo ka dhici lahaa Hotelka Barwaaqo ee magaaladda Berbera oo fiidnimadii xalay  qabsoomi la hayd ayay ciidan Booliis ah oo yimi ku war-geliyeen in aanay ku qaban Karin, isla markaana waxa ay amreen in ay kala dareeraan dadkii goobta joogay.

Lama oga sababta Booliisku uga hor istaageen Masuuliyiinta shirkadan oo ah shirkad Dalka ku cusub isla markaana ay leeyihiin muwaadiniin Ganacsato Maal-qabeeno ah iyo Ajaanib u dhalatay Dalka Ingiriiska kuwaas oo waliba xilal sare ka qabtay dawladda Ingiriiska hase yeeshee waxa ka soo baxaya dareeno kala duwan oo aan wali cadayn.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in tuhun ay Xukuumaddu ka qabtay in uu hotelka ka hadlo Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne ay sababtay in dhamaanba Hotelka loo diido in shir lagu qabto, arrintaas oo la hadal hayo in ay shirkadu la kulantay.

Wariye madax banaan oo ku sugan magaaladda berbera oo isagu u kuur galay dhacdadan ayaa  sheegay in Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne iyo Madax dhaqameed uu hogaaminayaa isku dayeen in ay Hotelka galaan balse Booliisku ka hor istaageen.

Hase yeeshee war kale oo ka soo horjeeda ayaa sheegaya in Xukuumadda iyo Dadweynuhuba isha ku hayaan mashruucan cusub ee ay shirkaddani wado kaasoo ay Somaliland walaac ka qabto maadaama cashar xun ay ka dhaxleen mashruucii Jiif oo Jaq, kaasoo halakeeyay malaayiin lacag ah oo ay lahaayeen dadka Reer Somaliland, ilaa hadana dhaawacyadiisii dadweynuhu ka soo kaban la’yihiin.

Dhinaca kale, madaxda shirkadan oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu xog uga helno arrintan ayaanay iyana noo suurogelin.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Ramaas