Ciidamada Booliska Oo Xabsiga U Taxaabay Wariyaha Shabakada Cadceed.com Ee Borama

717

Aug 29,2013 Borama(SM)Ciidamada Booliska ee Boorama ayaa maanta xidhay Wariyihii KALSAN TV iyo shabakada Cadceed.com ee Magaalada Boorama Wariye Maxamed Cabdilaahi Xuseen
Dabshid. Ciidankan booliska ah ayaa wariyaha ka dhex dhidhay guriga martida ee Boorama oo uu ku sugnaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland isla markaana uu wariyaha iyo wariyaal kale hawl dhinaca warbaahinta ah ka wadeen.

Wariye goobjooge ahaa ayaa noo sheegay sida ay wax u dhaceen waxana uu yidhi “Waxa ay nagu noqotay yaab, dhawr goor ayaan aragnay boolis dhar cad ah oo nagu gaaf wareegay, wax yar ka bacdina waxa yihid saraakiisha ciidanka ugu saraysa, waxa ay naga dhex qaadeen wariye Dabshid oo meel madaxwaynaha u jirta wax aan ka fogayn 15 talaabo ku sugnaa, argagax iyo cabsi ayaa na gashay, waan yaabnay, waxana aan u malaynay afduub qorshaysan, waxa aan u quudhi waynay meel uu ku sugan yahay madaxwayuhu in suxufiyiinta laga ugaadhsado, sababtuna waxay tahay arintan sharaf dhac ayay iila muuqatay xitaa taabanaysa madaxwaynaha.

Wariye Maxamed Dabshid ayaa lagu xidhay saldhiga dhexe ee Booliska ee Boorama isla markaana ku xidhnaa mudo 6 saac ku siman, markii dambena la sii daayay, waxana uu u sheegay saxaafada waxa lagu xidhay iyo cida ka dambaysa xadhigiisa ” Waxa la igu xidhay warar lagu daabacay shabakada Cadceed oo aan anigu wakiil u ahay balse aanan masuuliyadeeda haynin, waxa iskaga qaldamay warka ay shabakadu qortay iyo wakiilka aan ahayd waxa iska quseeya, waanan ka xumahay in xalka ay xadhig u aragto xukuumadu, Iima sheegin taliyaha Saldhigu cida i soo dacwaysay, waxana uu i yidhi iska soco markii dambe”

Sidoo kale warar kale oo xaqiiqda u dhow ayaa waxa ay sheegayaan in wariyahan lagu xidhay warar ay shabakada cadceed.com qortay oo Muqusmaasuq la xidhiidhinayay badhasaabka AWDAL, waxana la tuhunsan yahay in amarka sare ee lagu soo xidhay wariyahan uu bixiyay Badhasaab Cabdoo oo warkaasi khuseeyay, laba maalmood ka horna ay gudida abaaraha iyo masuuliyiin kale oo hadashay ay cambaareeyeen warkaas iyo shabakadaba, tilmaameena inaanu badhasaab Cabdoo galin wax musuq maasuq ah oo la xidhiidha raashinkii u dambeeyay ee abaaraha ee laga qaybiyay Awdal.

Falka noocan oo kale ah ee lagu ugaadhsanayo suxufiyiinta ayaa ah mid caado u ah maamulka Gobolka Awdal, waxana ay inta badan dhibsadaan dhaliilaha kaga imanaya dhinaca dadwaynaha iyaga oo marka dambana kaga jawaaba ficilo ay ugu sokayso xabsiga oo loo taxaabo suxufiyiinta,

“Cabudinta saxaafadu waa meel ka dhac iyo gaf lagula kacayo xoriyatul qawlka iyo hanaanka xorta ah ee dhiibashada afkaarta, waxana aan cambaaraynaynaa falkan ayuu yidhi muwaadin reer boorama ah.

Dhinaca kale waxa xadhigan Cambaareeyay Wakiilka SOLJA ee gobolka Awdal Haashim GOOD oo ku tilmaamay fal ka baxsan anshaxa iyo habdhaqaka saxaafada lagula dhaqmo oo ay mar kale ku kaceen maamulka gobolka Awdal.

Salaanmedia

Borama Somaliland