Ciidammadda Somaliland Oo Kala Dhex Galay Labadii Beelood Ee Shalay Ku Dagaalamay Gobolka Sanaag.

news

 

Aug 22,2013 Hargaysa(SM) -Ciidammada ammaanka Somaliland ayaa si adag gacanta ugu qabtay isla markaana isku balaadhiyey jiida gobolka Sanaag ee ay ku dagaalameen labo ardaa oo walaalo ah oo isku deegaan ah. Iyadoo dhanka kalena ay halkaa gaadheen wufuud ka tirsan dawladda iyo ergooyin madax dhaqameedo ah.

Wararka aanu ka helayno deegaanka God-Heeli oo u dhexeeya degmooyinka Oog iyo gar’adag oo ay shalayto ku daghaalameen dad reer guuraa ah ayna ku dhinteen 4 ruux sagaal kalena ku dhaawacmeen ayaa waxaa goor hore oo subaxnimadii saaka ah gaadhay cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland, iyagoo la wareegay deegaanadii iska hor imaadadu ka dhaceen, baadhitaana laga furay sida wax u dhaceen.

Badhasaabka Gobolka sanaag Axmed Maxamed Geelle iyo wefti uu horkacayo ayaa iyana socdaal degdeg ah ku tegay halkaasi wax yar uun ka hor xiliga ay deegaankaa ku beegan yihiin wefti balaadhan oo heer qaran oo nabadeed oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Md Cali Maxamed Warancadde oo safarkoodii ay kaga guureeyeen Magaalada Caasimadda ay hakiyeen daadadka ka dhashay roobabkii xalay ka da’ay Galbeedka Somaliland oo ku soo rogmaday Dooxyada waaweyn ee u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo hargaysa.

Wefti u badan salaadiin oo hordhac ayaa ayaa goor dambe oo xalay ah ka guureeyey magaalada Burco kuwaasoo gaadhay goobtii dhibaatadu ka dhacday ee deegaanka God-Heeri
Xaaladda ayaa degan deegaanadii shalay mashaqadu ka dhacday, iyadoo wararkii u horeeyey ee dhinaca nabadda eek a soo baxayaa aagaasi ay cadaynayaan in labadii dhinac ee dhibaatadu ka dhacday ay aqbaleen dhexdhexaadinta ergooyinka halkaasi ku sii qulqulaya.

Salaanmedia/ Hargaysa Office