Daawo Sawirada Soomaalida ku sugan Magaalada Khartoum ee Dalka Sudan oo maanta Si wanaagsan u ciiday!!

Maanta oo ah maalinta koobaad ee Ciidul-Fitriga ayaa Umadda Muslimiinta ah ee ku nool Dalal badan oo ka tirsan Caalamka Islaamka oo Suudaan ay ka mid tahay ayaa waxa ay u dabaal dageen Munaasabadda Ciidul fidriga. 

Magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Sudan ayaa Masaajidyadeeda iyo Fagaarooyinka ku yaalaba lagu wada tukaday Salaadda gaar ahaan Garoonka Jaamacada Caalamiga Afrika, iyadoo ay ardayda iyo jaaliyadda soomaalida ku dhaqan dalka sudan ay ay qayb ka ahaayeen Dadweynaha Salaadda Ciidda ku oogay Fagaarooyinka ka dibna Farxadda Ciidda la qeyb qaatay dad yowga sudan. 

Ardayda iyo Jaaliyadda  ayaa hambayo ku beegan  Munaasabadda Ciidul Fidriga u diray Eheladooda iyo Asxaabtooda oo ku nool Caalam oo idil gaar ahaan Wadanka Soomaaliya iyo Somaliland Farxadda weyn ee Maalinta aadka u weyn ee Ciidul fidriga ayaa aad looga dareemay Magaalada khartuum ee dalka sudan, iyadoona dadkii magaalada oo dhan isugu soo baxeen waddooyink, qaarkoodna ay magaalooyinka fog fog damaashaadka ciida u aadeen. 

 

Salaanmedia.com

C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab)
Khartuum – Sudan












Â