DAAWO SAWIRADA: Ururka Horumarinta Bulshada ee HALDOOR oo kulan Casho Sharaf ah la qaatay Qurba jooga Dalka ku Sugan

image

Hargeysa(SM)-Ururka Horumarinta Bulsha Haldoor ayaa habenkii xalay kulan casho sharaf ah kula qaatay Hotel Hadhwanaag, Qurbajooga reer Somaliland iyo Madaxda dawlada qaarkod, madashan oo ahyd madal aad u Qiimo badan waxay kulmisya Aqoonyahan, waxgarad, Qurbajoog, iyo Madax dawlada ah, waxaa madasahan ka soo xaadiray Agaasiimaha Wasaarad Duulsta iyo Hawada Mr Ahmed Dalal Farah (Ahmed Wiiwaa) A/Fatah Ibrahim Sheikh (A/fath Commissioner) Faysal Guhaad Abdi Gahayr oo ka socday wasaarrad arrimha Gudaha, Ahmed Siyaad Mohamed oo ah Xildhibaan Golaha Deeganka Hargiesa, Siciid Mohamed Osman (libaaxo) oo katirsan Golaha Guurtida, Mohamoud Mohamed Faarah (Yacquub) oo ka socday Ururka Gacan-qabad, Prof.. Mohamed Jamma Dhibiil (Shiine) Xubno Qurba jooga Reer Uk ah sida Ahmed Guud cadde, Layla Baancade, Dhalinyaro iyo Aqoonyahn aad u tiro badan.  Waxa ugu horrayn ka hadlay Agaasiimaha Ururka Haldoor Deeq Osman Dahir, oo ka warbixiyay waxa uu utaaganyahy Ururkan Haldoor , wakhtigii la Asaasay iyo ujeedooyinka loo aasaasay, Waxaanu yidhi “ uruka waxa la asaasay 2012kii waxana Asaasay Xubno Dhalinyaro Aqoonyahno ah oo kal jooga Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa, Ujeedooyinka loo asaasayna ay ka mid yihiin. – kadib markay arkeen inaanu jirin Urur Dhalinyaro oo mideeya Dhalinyarada, isla markaana Daboola Baahiyahooda. – In la Abuuro jawi isku xidhan o aad u Balladhan kaas oo miday doona Xooga Maskaxda, Iyo maalka Dhamaan Qaybah Bulshada Reer Somaliland, gaar ahaan Aqoonyahnka iyo dhalinyarada Waxa halkaa lagu soo bandhigay waxqabdii Ururku uu qabtay intii uu jiray, sidoo kale waxala soo bandhigay waxau qorshaysan Ururka, oo ay ugu waynyihiin – heli taanka Dhul uu Ururku ka sameeyo xaruun Tababar xaga Xirfadaha ah. – uruku sidoo kale waxa uu ku talo jiraa inuu Sakaatul Fidriga Gaadhsiiyo Xaruunmaha Agoonta iyo Danyarta Degan Degmada M/mooge, waxa iyan halkaa kahadlay madax aad u tiro badan Ugu Horayn waxa ka hadalay Ahmed Wiiwaa, A/fatah Commissioner, Faysal Guhaad Abdi Gahayr, Ahmed Siyaad, Prof…Mahamed Shiine, Iyo Siciid Mohamed, kuligoodba waxay kuu dheeraadeen in danta Guud meel looga soo wada jeesto lagan shaqeeyo horumarinta Bulshada reer Somaliland, lana sameeyo Shabakad is ku xidha dhaman ururada ka shaqeeya Horumarinta Bani’aadminimda, (Network sharing ).  Waxaanau ugu ambayn umahadnaqeen Xubnaha Ururka Haldoor ee shirkan soo Qaban Qaabiyay.  Deeq Osman Dahir Executive Director Haldoor Cell Phone +2522 2 4480561Source Haldoor Community Development Org